“Laba Mooge, Moogihii shalay iyo Moogaha Maanta”

“Filashadu way sarraysay Yididiilo aad u wayna waa loo hayay golaha Deeganka ee uu Hoggaamiyo Mayor Abdikariin Ahmed mooge.

Shacabka magaalada Hargeisa ku nooli waxay muddo dheer deris la ahaayeen addeeg xumo & waxqabad la’aan ay kala kulmeen Golayaashii Deeganka ee ka horreeyay mid ka hadda yimi.
Waa sababta dad badani hadda u aaminsan yihiin in Golayaasha hadda jooga ay ku imaadeen dareen & wadaniyad shacabku hoggaaminayeen hore uma dhici jirin ama way adkayd in doorashada Golaha Deeganka heer walba shacabku ay u codeeyaan musharax aanay haybta wadaa gin.

Cabashooyinka Golaha Deegan laga qabi jiray kaliya may ahayn shaqo- xumaanta balse waxa u raaci jiray in ay ku milmaan hawlo badan oo aan loo dirsan shaqadodana ahayn.
Maayirka magaalada Hargeysa oo ah kan filashada badan laga filayay, in badana la arki jiray isagoo fagaarayaasha ka dhaliilaya Goleyaashii ka horreeyay & weliba xukuumadda hadda talada haysa, kuna soo baxay codod uu ka helay is beddel doon ay hoggaaminyeen mucaaradka ayaa maalin ba mida ka danbaysa ka weecanaya filashadiisi uu inta badan jeedin jiray. Hargaysa waxay baahi weyn u qabtay in isbeddel shaqo oo xoog leh laga qabto sannadka ugu horreya ee Is beddedlka togan la filayay wuxu ahaa mid gaadhsiisan dhamaan adeegyadu dawlada Hoose qabato ee ay ka mid yihiin

1. Nadaafada caasimadda oo qorshe fiican loo helo si magaalo nadiif ah loo Helo, mana jirto wax iska beddelay Waxa maamula qashinka magaalada shirkadihii hore oo tayadoodu leedato Tiradooduna intii horre uun tahay’ Ma jirto siyaasad loo raaco nadaafada magaalada oo dejisan oo laga leeyahay. Haday jirtana maaha mid heshay fulin wanaagsan.

2. Magaaladda waxa dhibaato xoog leh ku hayay biyaha xilli robaadka kuwaaso kala jara isu-socodka gadiidka & bulshada xilli robaadka welina hargaysi way la dhiban tahay.

3. Wanaajinta adeegyada ay xafiisyada dawladda hoose Bixiso & la dagaalanka musuqmaasuqa, midani waa dhibaato curyaamisa shaqo umadda loo qabto oo dhan Waxa in badan cabasho ka jirtay in aan xafiisyada dawladda hoose u shaqayn si hufan oo karti leh. Tani waa midda ugu weyn ee aan wax is beddel ah aan laga samayn. Hawl yar oo maalin adeegeeda lagu qaban karo waxay bulshada ku qaadata muddo aad u badan oo xataa bil kugu gaadhaysa. Musuq maasuq waa mid weli jooga xafiisyada dawladda Hoose, saraakiil loo xidh- xidhay maayirka ayaa si hoose u dhameeyay. waxaana aad u hoosaysa isla xisaabtanka dawlada hoose dhexdeeda, waxaana sabab looga dhigaa maqnaanshaha badan ee aan daruuroga ahayn ee maayarku ku jiro & xaflado hadalo is khilaafaya uu ka jeediyo ayaa waqti badan ku baxay.

4. Maayirkii oo bedelay dhamaan mabaadii dii uu ku oleleeyay isagoo maalin ba mid si fudud uga talaabsanaya, waxaan xasuustay qoraal siyaasiga weyn Ismaciil buubaa uu ka qoray suxufiga & wasiirkii arrimaha dibedda hore Somaliya Yuusuf Garaad mar uu siyaasi Buubaa uu Somaliland u soo wareegay. Qoraalka suxufigu waxa uu cinwaan u ahaa buubaa oo bedelay calankiisi. Waa halkaase maanta Maayirku haddii uu ku ololayn jiray qabyaalad- diid maanta isagaa u badsadaa, haddii uu xorriyadda shalay u doodi jiray isagaa maanta xorriyad la dirira, haddii shalay wax dhaliili jiray isagaa maanta dhaliil diid ah. Haddii uu shalay hab dhaqanka madaxdii horre diidi jiray & guul wadaynta isagaa maanta is dhul dhigiisa & Guul wadayaasha ba u aabbo ah. Dabciga siyaasiga way dishaa midabaynta badani. Shalay shaqadiisi oo Xeer & xaqiiqba uu u helay ayaa lala wareegay walina ma cadayn sababta uu uga Aamusay.”

WQ. Yoonis Axmed Yoonis Xoghayaha Cadaalada Xisbiga Waddani.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker