Laba duuliye oo shaqada laga joojiyey, ka dib markay ku dhex dagaalameed diyaaraddii ay wadeen

Jariidadda La Tribune ayaa sheegtay inuu khilaaf soo kala dhex galay duuliyaha iyo kaaliyihiisa, kaas oo isu rogay inay ku dhex dagaalamaan qolka laga wado diyaaradda, waxaana markiiba soo dhex galay qaar ka mida shaqaalaha diyaaradda. Warbixinta uu daabacay wargeysku ayaa sheegaysa, in mid ka mida shaqaalaha diyaaraddu uu ku sugnaa qolka laga wado diyaaradda, intii ka hadhay duulimaadkaas.

Sarkaal u hadlay shirkadda Air France ayaa sheegay in shaqada laga joojiyey labada duuliye, isla markaana wuxuu xaqiijiyey, in safarkii duulimaadka ee labada duuliye ay ku dhex dagaalameen inuu si nabad ah u gaadhay halkii uu u socday, iyada oo aanu gacan ka hadalkoodu saamaynin intii ka hadhay safarka duulimaadka.

Sarkaalka u hadlay shirkadda Air France ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay hubiyaan bedqabka duulimaadyadooda.

AP

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker