Somaliland:Khilaafka Siyaasiga ahi Ma Furista Ururada ayuu ku Saabsanaa Mise Duruufo Siyaasadeed Oo Dalka Soo Waajahey?(faallo)

Somaliland Khilaafka Siyaasiga ahi Ma Furista Ururada ayuu ku Saabsanaa Mise Duruufo Siyaasadeed Oo Dalka Soo Waajahey?(faallo)

Inkastoo, Wakhti Xaadirkan Siyaasiyiin iyo Shacbiba Laga Guurey Sheegista Xaqiiqda, iyo Waaqaca Lagu Jirro, Waxaa Maalmahan La hadalhayey in aanney Xisbiyada Mucaaridku Kasoo horjeedin Furista Ururada Siyaasada, taas oo ah Been Cad, oo aan Markhaati iyo Cadeyn Midna u baahneyn, Sidoo Kalena Shacabka Tusaale ugu Filan in aanney dhab ahaan Wali Dad badani u Fahmin Sababta Runta ah ee Khilaafku Salka ku Hayo.

Si Kalsooni Leh uga Boggo Sababaha Keenay Khilaafka Siyaasiga ah iyo Halkii uu Ka Bilaabmey.

Xudunta Khikaafka Siyaasadeed, ee u Dhexeeya Mucaaridka iyo Xukuumadda Talada Haysa, ayaa Ka Bilaabmey, Diidmadii Ka Dhalatey Furista Ururada Siyaasada, iyo Murankii ka Dhashey Xeer 14/2021 oo Golihii hore ee Wakiiladu ansixiyeen, Golaha Guurtiduna, qalinka Ku Duugey, Sidaana Loogu Gudbiyey Xeerka Madaxweynaha Ka hor intii aanney Golaha Xilgani Kusoo Bixin Doorashadii Isku sidkanayd.

Sida uu Qeexayo Dastuurku, Mar haddii Xeerkan 14/2021, ee Furista Ururada Siyaasadu, ay Meel mariyeen, Golihii Hore ee Wakiiladu, Guurtiduna is dhaafisay, hadii uu Madaxweynaha ku dhaafo 21 Maalmood Wax ka badan, sidaas ayuu Ansax Ku Noqonayaa Ururada Siyaasaduna Ku Furan yihiin.

Haddaba Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Mudadii, oo uu Xeerkani horyaaley, Mudo ka badan intii Loogu talagley in uu Ku soo Naaqisho Konton Maalmood iyo Maalin, Marka loo eego Sababaha uu isku dhaafin Waayay, Waxa loo Suureynayaa in ay Sabab u aheyd laba Arimood oo kala ah, in aannu isaga laf ahaantiisu(Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi), Kalsooni buuran ku qabin Furista Ururada Siyaasada, iyo in uu Kaga Mashquulay, Loolankii Doorashada Golaha Wakiilada, iyo Deegaanka, iyo Loolankii Shirgudoonka, ama uu Wakhtigaa ku ishaafalataynayey, in Hawshaasi Dhinac u Dhacdo.

Dhinaca Mucaaridka, Waxa ay ka Shidaal qaateen islamarkaana, qorshahoodu ahaa, in Furista Ururada Siyaasada La Laalo hadii ay Ku Guulaystaan, Doorashada Shirgudoonka Golaha Wakiilada, Waana Sababta ay isku bahaysteen, Labada Xisbi Ucid iyo Waddani oo ay isku Duruuf ka joogaan Sida Maantaba Muuqata.

Maxaa Dhacay Markii u Horreysay ee Madaxweynuhu Xeerka Usoo Gudbiyay Golaha?

Ka hor intii aannu Xeerkan Xeer 14/2021 Soo gaadhin Golaha Wakiilada, Waxa Guushii Shirgudoonka Golaha Wakiiladu Sbab u aheyd Isbadelkii Hogaanka Xisbiga Waddani taas oo iyadduna Qeyb ka aheyd, Xoojinta In La laalo Ururada Siyaasada, oo Awooda Shirgudoonka Khusuusan(Gudoomiyaha Golaha), lagu Muquuniyo, Sidaa Daraadeedna Maalintii u Horeysay ee Xeerka ajandihiisa La Furey, Golaha Waxa uu Gudoomiye Cabdirisaaq Khaliif Ku Fadhiisiyay, 27 Xildhibaan iyaddoo aannu Kooramka Mudanayaashu Buuxin talaabadaas, oo aheyd Dastuur Jabin, halkaas oo uu ka bilaabmey Khilaafka Iyo Muranka Siyaasiga ah, ee Wakhtigan Taagan iyaddoo Sadka Aqoonta u leh Xeerarka iyo Shuruucda Golaha Wakiiladu ilduuf u arkeen, in Mudanayaal Tira badan, oo uu Hogaaminayo Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Wakiiladu ay, Dacwad Xeer 14/2021 u Gudbiyeen Maxkamada Sare halka ay hilmaameen, in Dastuur Jabinta Gudoomiyuhu Golaha Ku Furey, ay Dacwada Ku Ekayn lahaayeen haseyeeshee, ay Xeerkan u Tixraaci lahaayeen oo Kaliya Mudada uu Xafiiska Madaxweynaha yaaley ee 51ka Maalmood ah taas oo Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo Markaa Cusbaa iyo Gudoomiyaha Wakiiladuba Ku Doodeen in Madaxweynuhu, Qoraak Kusoo Dul Qorey Xeerka, uu Golaha Kaga Dalbanayo, in ay la eegaan.

Sikasta, oo ay arintu tahey Xisbiyada Mucaaridka ahi Mar hadii ay Ka badbaadeen, Qoddobo Dastuuri ah, oo Lagu Furey ajandaha lasoo Hor dhigay Golaha Bilawgii Waxey iyagguna ilduufeen Kadib Markii Maxkamada Sare Xukuntey, in Xeer 14/2011 la Dhaqan Galiyo kaas, oo Isaguna Xalaalaynaya, Furista Ururada Siyaasada iyadoo Gudoomiye Xirsi Markaa Warbaahinta u Sheegay in ay Soo dhaweynayaan Mar haddii Maxkamada Sare Laashey, Dacwadii Xildhibaanada ee Xeer14/2021,

Isku soo Wada duub, Xisbiyada Mucaaridka ahi Waxa ay hada ku Doodayaan, in Doorasho Madaxtooyo la qabto, iyaddoo aan Duruuf iyo Xaalad Midna lagu Saleyn, balse ay Ururada iyo Furistooda Raali ka yihiin, Laakiin Lasoo kala hormariyo, Waa arin Khiyaali ah Sababtoo ah Doorasho Madaxtooyo, Miyaa lagu gali Karraa, iyadoo aannu Komishan Jirin? Waa Maya, Iyadoo aann Xaalada iyo Xiliga adag ee Lagu jiro loo Qiimayn?, Waa Maya Waxaa iska leh arintaas Go,aankeeda Golaha Guurtida, oo Xukuumadda mudo kordhin u Samayn karta Marka ay u qiimeeyaan Dhamaystirka Xubnaha Komishanka, iyo Xaalada abaareed ee ay kujiraan Shacabka Somaliland, halka qodobka ugu Weyn ee Mucaaridku diidan yihiin Khilaafka Siyaadiga ahina Daaran yahey Furista Ururada Siyaasada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker