Akhriso War-bxinta ciidanka Dab-demiska Hargeysa iyo badbaadooyinka hawlgalada roobkii Hargeysa ka da’ay xalay.
Waxaa caawa magaalada Hargeysa ka da’ay Roob lagu qabawsaday, waxaana ciidamada Dab-demisku sameeyeen gurmad goobo kala duwan.
1. Guri daad galay xaafada Istaad Hawska ee magaalada Hargeysa, waxaana ciidamadu daadkaa ka saareen guriga, sidoo kale waxay ciidanku ka samatabixiyeen dadkii.
2. Nin maskaxda ka xanuusan oo ciidamada Dab-demisku ka soo badnaadiyeen laag Biyo badan marayeen degmada 26 June, waxaana ciidanku isagoo badqaba ka soo saareen laagtaas.
3. Gaadhi Bas Caasi ah oo siday 20 Caruura oo ciidamada Dab-demisku ka soo badbaadiyeen laag biyo mareena oo ku taala xaafada Jigjiga yar ee magaalada Hargeysa, waxaana ciidamadu ardaydaa iyo gaadhigaa oo badqaba ka samatabixiyeen goobtaas.
4. Gaadhi Vitz ah oo ciidamada Dab-demisku ka saareen laag ku taala xaafada Jigjiga yar.
Ciidanka ayaa hawlgaladan ku guuleystay, mana jirin khasaare dhimasho iyo dhaawac oo roobabkaasi sababeen.
Waxaa iyaguna dhankooda hawlgaladan ciidanka Dab-demiska kala shaqeeyay ciidamada Booliska caasimada Hargeysa.
Ugu dambayn ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland gaar ahaan kuwa caasimada inay ka taxadaraan Godadka, laagaha, dooxyada iyo biyamareenada.
Allaa Mahad leh
Info.fire@sldgov.org
Cabdiwahaab Toox
990 Gurmadka degdega ah




