“Qaab Argagax leh ayaa loo qabtay Suldaanka” Xaaska Suldaan Cadda-gude
Xaaskii Suldaan Cada-Gudde oo Ka Warantey Qaabka Loo Taxaabey Iyo Sida Loola Kulmey Markii Ciidamadu Qabteen
Xaaska Suldaan Cade-gudde ayaa Faafaahin Kooban K Bixisay Sidii Loo Taxaabay, iyo Xiliga La Taxaabay, iyo Halka Lagu Xidhay intaba.
“Gaadhi yar ayaa Naga hor yimid, Dareenbaanu qaadanay, gaadhigu hooonka ayuu tumey hoonkuu tumey, Laakiin odeygu Wuu iska dhagamariyay Wuu iska Socday, oo Wax Caadi ah ayuu mooday Dad iska Caadi ah, Markaa Waatii Maalmo dhaweyd Xaafada Wax ka yara dhacdhaceen, oo Ninka lagu Diley, Waxaannu is nidhi, Xaafadayaduna Meel luuq ah oo Madaw ayey Kujirtaa, Waannu Shakiney Sidayada Kale ayaanu u baqanay” ayey Tidhi Marwo Hodan Maxamuud Rabiile. Xaaska Suldaan Cade-gudde.
Waxaanney intaa ku dartey Hadalkeeda.
“hoonkii Markuu Tumey, odeygii Wuu Iska Socdey Surinkii aannu is Nidhi Sidaa uga Laaba ayuunbaa Gaadhi Nalagu hor jarey Ciidan Saaran Yahey, Mar Kaliya ayey, Kusoo daateen, Baabuurkii, Waxaanney Mar Kaliya ku turn Baabuurkii si,aan odeynimo, iyo Ixtiraam Laheyn.
Waxaanney Sheegtay, In uu Ku Xidhan Yahey Saldhiga Dhexe ee Caasimada Hargeysa.




