Halkuu Ku Dambeeyay Gudoomiyihii Golaha Wakiilada JSL Ee Doorashadiisii Loo Sacab Tumey?

Halkuu Ku Dambeeyay Gudoomiyihii Golaha Wakiilada Somaliland Ee Doorashadiisii Loo Sacab Tumey? Saameyn intee Leeg Ayuu Ku Leeyahey Hogaaminta Golaha Wakiilada?

Tan iyo intii Ka Dambeysay, Markii laga soo Gudbey Tartankii adkaa, ee Loo Galey Doorashada isku Sidkan ee Golaha Wakiilada iyo Deegaanka iyo Waxaa Maalmo badan Somaliland Si aad ah loo hadalhayey Loolankii Shirgudoonka, Golaha Wakiilada khusuusan Kursiga Gudoomiyaha oo ay Ku Loolameen Gudoomiyaha Xiligan Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir(Faratoon), oo loolankoodu adkaa Maadaama ay isku Deegaan Kasoo jeedeen.

Arimaha Sida Weyn ugu Suntannaa Loolankaasi Waxaa Kamid ahaa in Dhinacyada kala Taageersan Mucaaridka iyo Xukuumaddu ay si aad ah ugu kala Safteen Xildhibaan Faratoon iyo Gudoomiye Khaliif iyadoo dhinac Waliba ku fogaadey amaanta iyo buunbuuninta Labadaa Mudane Waxa Xusid Mudan, in Guud ahaanba Mucaaridku ku doodayeen, in Dheelitirka Awoodeed ee Golayaasha Qaranka uu Cabdirisaaq(Gudoomiyaha) Golaha Wakiilada oo Xisbiga Waddani kasoo jeedaa Wax Weyn ka badelo doono.

Sikasta, oo ay tahey, Marka Dhinacyo badan laga eego, Waxaa muuqata in Dad badani iaweydiinayaan, Halka uu Ku Dambeeyay Gudoomiyihii Golaha Wakiilada Somaliland oo Xaqiiqdii u Xuubsiibtey Qurba-joog inta badan u Shaqo utaga Dalka dibadiisa Maalmaha Fasaxa Goluhu yimaado, iyaddoo ay jirtey in Mr Khaliif Wali ay u dhiman yihiin Waayo-arragnimo ku beegan Hogaaminta Golaha Maadaama ay ka Muuqato Mudanayaasha iyo Guud ahaanba Geedi Socodka Golahan Cusub.

Haddii aynu Gees Kale ka eegno Xudunta Khilaafka Siyaasadeed, ee Dalka Ka Jirra Waxaan Muran Ka taagneyn, in ay Sabab u tahey Hogaamintiisa iyo Doorkiisa, Waxaannu kasoo bilaabmey Khilaafku Muranka Xeer 14 oo ah Xeer Hawshiisu u Taalley Golaha Wakiilada Kadib Markii uu Golaha Ku Fadhiisiyay iyaddoo aan Kooramku Buuxin islamarkaana, uu Damcey innuu jiidhsiiyo ajande aan Dastuurku ogoleyn Fadhigaasi Markeynu Soo ururino, Waxaa Isweydiin Mudan Halkuu Ku Dambeeyay Gudoomiye Khaliif?

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker