Xaruun Casri ah oo ay Yeelan Doonto Dawlada Hoose ee Hargeysa oo la Dhagax Dhigay
Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ay wehelinayeen Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Dhulka iyo Guryeynta Cabdilaahi Abokor Cismaan, Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Maxamed Cilmi, Duqa Caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge, iyo Mas’uuliyiin kale ayaa maanta dhagax dhigay dhismayaal casriya oo loo hirgalinayo Dawladda Hoose ee Hargeysa.
Maayirka Caasimadda Hargeisa Mudane C/kariim Axmed Mooge Ayaa Sheegay Inay Tahay Guul Usoo Hoyotay Dadweynaha Caasimadda Hargeisa Ku Nool, Waxaanu xusay in dhismahan cusubi uu noqonayo mid kor u qaada haykalka shaqo ee dawladà hoose ee caasimadda Hargeysa.
Maayar Mooge Wuxuu Sheegay in dhismahan cusub oo qaybo kala duwan ka koobani ay ku bixi doonto Lacag Dhan $1,300,000, ( Hal milyan iyo Saddex boqol oo kun oo dollar) Taasoo dhamaanteedba ah Cashuurtii laga guray bulshada ku nool caasimadda Hargeysa.
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/laahi Abokor Cismaan Ayaa Ugu Horeyn Hanbalyeeyey Maamulka Dawladda Hoose Ee Uu Hogaaminayo Maayir C/kariim Axmed Mooge, Guulaha Ay Ku Talaabsadeen Mudadii koobnayd ee ay xilka hayeen, Wasiirku Wuxuu Tilmaamay Inay wasaarad ahaan wadaan Xeerka Dhismayaasha Qaranka, Xeerkaasina dhismaha ugu horeeya ee lagu dabaqi doono uu yahay Xaruntan cusub ee ay dhisanayso Dawladda hoose Caasimadu.
Madaxweyne Ku Xigeenka Qaranka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo Madashaasi Ka Hadlay ayaa Bogaadiyay Maamulka Dawladda Hoose, Isagoo xusay In Dhismahan Naqshadiisa Lasoo Bandhigay ay dad badan riyo ku tahay hasa yeeshee laga dhabayn doono .
Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu gabo gabadii dhagax dhigay Xaruntaas cusub.




