Wakiilka Somaliland Ee Dalka Finland Oo Shaacisay Inay Xilkii Iska Casishay
Wakiilka Somaliland Ee Dalka Finland Marwo Saamiya Muuse, Ayaa Maanta Shaacisay
Inay Xilkii Iska Casishay.
Marwo Saamiya Muuse, Ayaa Sidday Ku Sheegtay Qoraal Ay Ku Baahisay Barta Facebookga Ay Ku Leedahay, Waxaanay Ku Tidhi “Iscasilaad…!
Anig Oo Ah Wakiilka Somaliland Ee Dalka Finland Samia Muse waxaan Iska Casilay Maanta oo ay Bishu Tahay 15 August 2022 Xilkii Wakiilka Somaliland Ee Dalka Finland Ee Aan U Hayay Xukuumadda Somaliland” Ayey Tidhi Marwo Saamiya Muuse.




