“Ma Gudbaha Siyaasadda Aan Warkiisa Laba Qof Is-waydiin”

“Ma Gudbaha Siyaasadda Aan Warkiisa Laba Qof Is-waydiin” Qallinkii Sakariye Abdi Ismail.

Shalay waxaa hadlay nin aanu ilmaadeer nahay oo aanu u naqaano ma gudbaha siyaasadda oo mudo lix sadanadood ah kursi aanu reerkiisu geyin oo wasiir kuxigeen ah ku fadhiya nin aan karaamo ku laheyn deegankiisa oo warkiisana aan xitaa laba qof is weydiin iskadaa mashruuc uu ka fuliyo deegankiisa hawdka iyo tuuloyinkiisa sida Masaajidka,Cunaqabad,Gumburaha, Baargoo iyo Magaalo xaali kaaga sii darane xitaa waxaaney heysan ayuu idhaa way haystaan madaxweyne, waa leyliga yar ee jaanbaradka ah ee isleh ceyda raga milgaha iyo sharfta ku leh siyaasadda somaliland ku xejiso kursiga yar ee fadhiidka ah.
Shalay bay ahayd markii uu weedhaha xanafta leh ku tuurayey gudoomiyaha golaha wakiiladda JSL mudane Abdirisaaq Khaliif oo ah masuulka saddexaad ee ugu sareeya somaliland oo dhan kuna subtan odaytinimo iyo isku soo dhawaynta ummada somaliland
Maantana wuxuu isku qaaday nin deegankiisa kaga waxqabad badan waa gudoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan oo laba jeer wadada Balligubadle kaga qayb qaatay ku dhawaad 1Milyan oo doolar nin xawligiisa iyo xawaaraha siyaasade ee uu ku socdo aan waxba laga qabankarin, gudoomiyihii hore ee mid kamida shirkadaha ugu waa weyn wadanka, wasiirkii hore ee madaxtooyadda ahaana (Chief of cabinet-ka),Hogaamiyihii hore ee xisbiga rajadda shacabka somaliland ee waddani ,gudoomiyaha ugu saameynta badan intii somaliland jirtay ee xisbi yeesho khaliifka siyaasadda somaliland hankiisa iyo majarihiisuna yahay madaxweynaha 7-aad ee ku xiga Dr Abdirahman Mohamed Abdilaahi Cirro nin leh Astaamihii Abubakar binu sadiiq Xirsin Cali Xaaji Xasan.
Liibanow inadeer waxaan ku leeyahay nin aydaan is gaadheyn ceydiisu wax aliyaaliyo wax ay kuu taraysaa ma jirtee ha ku habsaamin waa la noolaan doonaye.
Waxa qoray Eng Sakariye Abdi Ismail (Sakariye Suldaan) Oo kamid ah Saraakiisha golaha dhexe ee xisbiga waddani

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker