Guddi Madaxweynaha Somaliland Magacabay oo Kulan La Qaadatay Waxgaradka Bariga Hargeysa
Guddida Wasiirada ah Madaxweynaha Qaranku u xilsaaray wada hadalada mucaaradka, Mudaharaadkii ka hor, kuwaasoo uu Gudoomiye u yahay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa kulan la qaatay Aqoonyahanka, Waxgaradka, Ganacsatada iyo haldoorka degaanka Bariga Hargeysa.
Kulankan ayaa lagaga wada hadlay dhacdooyinkii u danbeeyey oo ay ka mid ahaayeen Mudaharaadyadii dhacay, Xubnaha Golaha Wasiirada ayaa si qalbi furan u qaabilay Haldoorka degaanka Bariga Hargeysa, iyaga oo Wasiiradu si fiican u dhegaystey talooyinkii ay soo jeediyeen Waxgaradka iyo Ganacsatada Bariga Hargeysa, kuwaasoo isu xilqaamay in ay dhexdhexaadiyaan, ma door shariif ah ka qaataan Khilaafka taagan, iyaga oo u wajahaya sida ugu wanaagsan.
Xubnaha Golaha Wasiirada ayaa soo dhoweeyey Aqoonyahanka, Waxgaradka iyo Ganacsatada Bariga Hargeysa, kuwaasoo ah guddi ka shaqaynaysa isu soo dhowaynta labada dhinac, iyada oo laga duulayo adkaynta nabadgelyada iyo isu soo dhowaynta bulshada.
Guddida Wasiirada ah, ayaa la qaatay Haldoorkan isugu jira Waxgaradka iyo Ganacsatada Bariga Hargeysa dhammaan arimihii ay miiska keeneen, kuwaasoo ay ka mid tahay isu soo dhowaynta iyo ka wada shaqaynta xalinta khilaafka taagan, adkaynta nabadgelyada iyo ka wada shaqaynta midnimada bulshada.
Xubnaha Golaha Wasiirada:
1-Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed.
2-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Salebaan Yusuf Cali Koore.
3- Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kaluumaysiga Siciid Sulub Maxamed.
4-Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Dr.Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi (Suufi).
5- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Maxamuud Sacad Shaajin.
Dhinaca kale waxaa kulanka waxaa ka qayb galay Haldoorka Bariga Hargeysa.




