” Askariga wax dilayaa wuu khaldan yahay aakhiro isaga ayaa la weydiinayaa dilkaas , ka soo diray askariguna danbigiisa ayuu leeyahay .” Sheekh Mustafe

Sheekh Mustafe ayaa khudbadii salaadii Jumce ee maanta kaga hadley khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Somaliland.
Waxuu si adag uga hadley askarta dadka shacabka laynaysa iyo dadka dhibku soo gaadhayso laftigooda .
” Askariga wax dilayaa wuu khaldan yahay aakhiro isaga ayaa la weydiinayaa dilkaas , ka soo diray askariguna danbigiisa ayuu leeyahay .Kan u dhimaya wax aanu garaneen waa doqon kale
Kuraas ayaa la isku haystaa adiga mid-na dantaada sooma wado , kan wax dilaayoow adigu kursiga fadhiisan maysid , kan la dilaayo isna ku fadhiisan maayo .
Dadkiina halkan fadhiyoow hadii ay askari idinku jirto waxaan idin leeyahay waar dadka ha laynina , waar dadkiinan shacabkow idinkuna ha tagina meesha laydinku dilaayo ….” Sheekh Mustaf

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker