“Mooge miyaanu ahayn kii kursiga ku yimid doonista iyo dareenka shacabka@

“Mooge miyaanu ahayn kii kursiga ku yimid doonista iyo dareenka shacabka ee Reer hargaysa siiyeen Codkii ugu badnaa ee abid la siiyo qof somaliyeed”
WQ. Xildhibaan Maxamed Abiib

Waxa layaab leh hadalka ka soo yeedhay Maayarka Hargaysa oo ku sugan Idaacadda Radio Hargeysa iyo SLNTV oo leh wax dhibaato ahi ma dhicin saacadan.

Iyadoo la ogaa in Isla subixii horaba dhimasho iyo dhaawac jireen hadaba
Dhimashada 2da qof ee hargaysa inta la ogyahay iyo Dhaawaca shacabka ee tiro beelay tolow Maayar Mooge inuu dafiro maxaa ku kellifay?
Mooge miyaanu ahayn kii kursiga ku yimid doonista iyo dareenka shacabka ee Reer hargaysa siiyeen Codkii ugu badnaa ee abid la siiyo qof somaliyeed oo tartan dhaba ka qayb galay?
Iyada oo aynu ognahay dhimasho iyo dhaawacba inay ina daan wayne yihin Hargaysana maanta ay ka dhacayeen noocayada kala duwan ee hubku, oo aad moodaysay furin laba ciidan isku hor fadhiyaan sidee qof masuuli u odhan karaa dhibaato majirto.
Maanta bukan badani waa daawo beelay qoysas badanina way masruf beeleen Dhibta maqani waa maxay maayarkii Caasimadoow sxb??

“Waxa muuqda ficillo Arxandarro ah oo kala duwan oo ka muuqda muuqaalada baraha bulshada maraya, waxase ugu layaab badnaa qof Xabbad lagu dhuftay oo Ruux dumar ahi dhiigga qabo is tidhi iyadiina laga dul tukhaantukhiyay!!!
Ma ha dhintee daa baa? Ma ha dhiig baxee daa baa? Ciidanka qaar miyayna ogayn in dadkani yahay kuwoogii oo kaliya looga baahnaa inay kaliya ka xakameeyaan qofkii ku dhex dhumanaya
Siday wax u socdeen lama moodo Ciidan dadkiisii oo dibad baxaya xaataa ka hortagaya iskada inay ahayeen kuwo ilaalinaya Banaanbax ay isla qaateen labadii dhinac ee siyaasada isku hayay
Dawladda waxan leenahay dadka dhaawacmay iyo kuwa dhintayba waa dadkaagii ee maaha Kaafiriin kabcada laga celinayay.
Ilaa imika muuqalada muuqda marna ma arag qof shacaba oo falxun wada oo dagaalamaya ama meel xaasxaasi ah laga celinayo
Xukuumada waxan ugu baaqayaa in caqligu shaqeeyo oo dadka iyo dalka ay ka saarto dhooqada la dhex fadhiyo.
FG: Sawiradan waaku laga qaday banaan baxayasha bal eeg hada inanka calanka taagaya sida loo daadiyay iyo sida uu calankisii kor ugu hayo”
W/Q: Xildhibaan Maxamed Abiib.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker