“Dadka intaad xidhi kartaan xidha, jeelasha Hargaysa buuxiya”Xisbiga WADDANI

Xisbiga mucaaradka ee WADDANI, ayaa diiday kulan uu ka dalbaday wasiirka arrimaha gudduhu, kadib ogaysiiskii mudaharaad ee ay shalay u gudbiyeen, xili xukuumaddu xabsiga dhigtay masuuliyiin ka tirsan mucaaradka.

Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa ku andacooday in sharciga ay waafajiyeen ogaysiiskii mudaharaad ee ay shalay u gudbiyeen wasiirka arrimaha guddaha, isla markaana aanay jirin sabab ay ula kulmaan, wasiirka oo ka dalbaday kulan.

Waxaanu yidhi.”Waxay wasaaradda arrimaha guduhu saaka usoo qortay labada xisbi warqad ay ku dalbanayso kulan, hadda warqada aanu anagu qornay wax ala wixii uu sharcigu naga rabay waanu marnay, wixii baadil ah iyo wixii kibir ahi waa halkiisa, sabab aanu u kulano oo layskugu yimaado run ahaantii ma jirto”.

Xoghayaha ayaa sheegay in isla maanta oo ay xukuumaddu codsatay in ay la kulanto madaxda axsaabta mucaaradka, ay dhinaca kale bilowday in ay xidh xidho masuuliyiin mucaarad ah iyo dad shacab ah.

Waxaanu yidhi.”Taa waxaaba kasii daran iyaga oo leh aynu kulan isugu nimaadno oo labada guddoomiye ee xisbiyada mucaaradka ka dalbanayaan in ay kulmaan, ayaa maanta waxay bilaabeen in ay dadkii shacabka ahaa iyo masuuliyiintii xisbigaba xidh xidhaan”.

Waxa uu ku goodiyay in aanay xukuumadu xoog ku haysan karin Somaliland.

Waxaanu yidhi.”Fariintaanu u dirayna waxa weeyaan kuli dadka intaad xidhi kartaan xidha, jeelasha Hargeysa oo dhan buuxiya, Madheera buuxiya, Siyaad Barre ayaa jeel uu buuxiyo waddan ku haysan kari waayay”.

Sidan oo kale, ayay mucaaradku u diideen in ay la kulmaan wasiirka arrimaha guddaha kadib ogaysiiskii mudaharaad ee ay wasiirka u gudbiyeen 25 May, taasi oo keentay in xukuumadu ay gabi ahaanba joojiso mudaharaadkii dhici lahaa.

Masuuliyiinta xisbiga WADDANI, ee maanta la xidhay ayaa kala ah Xoghayaha Ciyaaraha Yuusuf Nuux Tadhase, gudoomiyaha gobolka Maroodijeex Mawliid Qaro iyo Mukhtaar Mingiste.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker