Xukumadda Somaliland oo War Ka Soo Saartay Kulankii ay La Qaadatay Hogaanka Mucaaradka

kulan muhiim ah oo uu Gudoomiyey Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed iyo masuuliyiinta xisbiyada Mucaaradka ah oo uu hogaaminayey Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa ka qabsoomay Xarunta Wasaaradda Arimaha Gudaha.
Kulankan oo saacado qaatay ayaa lagu falaqeeyey sidii is-afgarad looga gaadhi lahaa Mudaharaadkii ay Wasaaradda Arimaha Gudaha ka soo codsadeen xisbiyada mucaaradka ah, isaga oo kulankan uu Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ugu yeedhay Gudoomiyayaasha xisbiyada mucaaradka.
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin, ayaa soo gudbiyey nidaamka loo qaban karo Mudaharaad ee uu ay ogolyihiin in ay tahay in 6 Gobolka ee waaweyn oo keli ah Xafiisyada ay ku leeyihiin xisbiyada mucaaradku ay ku qabansan karaan Mudaharaad, balse aan loo ogolayn meelaha bulshadu isagu timaado iyo shaaricyada, masuuliyadana ay qaadayaan wixii ka yimaada arrintaa. Xisbiyada Mucaaradka ayaa muujiyey sida ay u ogolyihiin sharciyada.
Dood dheer ka dib oo dhinac walba laga eegay arrimaha taagan, waxaa la isla gartay in maalinta beri ah saacadu marka ay tahay 9:00 subaxnimo la isugu yimaado Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, iyada oo wada hadaladu ay halkaa ka sii socon doonaan, iyada oo aanay jirin wax go’aan ah oo la isla qaatay.
Kulankan waxaa xukuumadda uga qayb galay:
1- Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, oo kulan shir gudoominayey.
2- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Salebaan Yusuf Cali Koore.
3- Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo horumarinta Kaluumaysiga Siciid Sulub Maxamed.
4- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Maxamuud Sacad Shaajin.
5- Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tegnoolajiyada Dr. Cabdiweli Cabdilaahi Suufi.
6- Gudoomiye Kuxigeenka Labaad ee Xisbiga Talada Haya ee KULMIYE, Axmed Cabdi Dheere.
Dhinaca mucaaradka waxaa hogaaminayey Eng Faysal Cali Waraabe, Gudoomiye Kuxigeenka Xisbiga Wadani Axmed Cumar Xamarje iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan labada Xisbiyada Mucaaradka ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker