Trump oo afka furtay markii FBI-da ay soo weerartay gurigiisa

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in gurigiisa oo ku yaalla gobolka Florida ay soo weerareen ciidamada FBI-da.

Bayaan kasoo baxay Trump wuxuu ku sheegay in gurigiisa, Mar-a-Lago ay u dhaceen ciidamado fara badan oo ka tirsan FBI-da Mareykanka.

“Wax sidan oo kale ah waligii lagu sameyn Madaxweyne hore oo Mareykan ah” ayuu yiri Trump.

Mr Trump, markii loo dhacayay gurigiis Mar-A-Lago ma joogin goobta.

Waxaa uu weerarka ku tilmaamay mid ay soo qaadeen xisbiga Dimuqraadiyiinta mayalka adag ee garabka bidix.

Wiilka Mr Trump, Eric, ayaa sheegay in baaritaanka la xiriirira dokumentiyo kujiray sanduuqyo oo Washington laga soo qaaday markii Mr Trump uu xafiiska ka tagay sannadkii hore.

Waaxda cadaaladda ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho howlgalka.

(Bishii Febraayo Maamulka Kaydka iyo Kaydka Qaranka ayaa sheegay in ay ka soo saareen Mar-A-Lago shan iyo toban sanduuq oo alaab ah, oo la sheegay in ay ku jiraan waxyaabo sir ah, waxayna u gudbiyeen arrinta Waaxda Caddaaladda.)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker