FBI-da Maraykanka oo baadhis ku sameeyey guri uu leeyahay Donald Trump

Saraakiil ka tirsan hay’adda FBI-da Maraykanka ayaa la sheegay inay baadhis ku sameeyeen qasri weyn oo uu leeyahay madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump oo ku yaalla gobolka Florida.

Madaxwaynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in ciidamada FBI-du ay weerareen gurigiisa raaxada ee Mar-a-Lago oo ku yaala gobolka Florida.

“Gurigayga quruxda badan, ee Mar-A-Lago ee magaalada Palm Beach ee ku taalla gobolka Florida waxaa hadda lagu hayaa go’doomin, ka dib markii la weeraray, waxaana ku sugan ciidamo badan oo ka tirsan hay’adda FBI,” ayuu Trump ku yiri hadal dheer oo uu soo saaray fiidnimadii Isniinta.

“Kadib markii aan la shaqeynay oo aan la shaqeynay hay’adaha dowladda ee ay khuseyso, weerarkan aan la ogeyn ee lagu qaaday gurigeyga ma ahayn mid loo baahnaa ama ma ahayn mid ku habboon,” ayuu yiri.

Trump ma uusan sheegin sababta uu u dhacay weerarka. Sidoo kale Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka ayaan iyana isla markiiba ka hadlin eedda ka timi madaxweynihii hore ee Trump.

Madaxweynihii hore ayaa dowladda ku eedeeyay “anshax-xumo dhanka dacwad oogista ah,” isagoo sheegay in weerarku uu la mid yahay “in si khaldan loo adeegsaday Nidaamkii Cadaaladda.”

Trump ayaa sheegay in saraakiisha FBI-du ay xitaa jabsadeen khasnaddii kaydka ee gurigiisa.

Tallaabadan ay qaadeen saraakiisha FBI ayaa ku soo aadaya iyada oo baadhis lagu wado madaxweynihii hore ee Donald Trump, halka uu isaguna isu diyaarinayo inuu markale u tartamo kursiga madaxtinimada Maraykanka marka la gaadho sannadka 2024.

Qaybo ka mida warbixintan waxaa laga soo xigtay wakaaladaha wararka ee AP iyo Reuters

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker