War-Saxaafadeed: CPA Waxay Ka Xuntahay Dib u dhaca Ku yimi Doorashada

Xarunta Daraasaadka Siyaasadda ee CPA, waxay si weyn uga xunyahay dib u dhaca markale ku yimi doorashooyinka Somaliland ee la filayey inay qabsoomaan bisha March 27, 2019. Somaliland waxay kaga duwan tahay dalal badan oo ku yaalla Afrika, dhinaca doorashooyinka iyo dimoqraadiyadda ka jirta, hase ahaatee tallaabadan markale dib loogu dhigay doorashooyinka, waxay u muuqdaan kuwo saamayn ku yeelanaya sumcaddii Somaliland ee dhinaca geeddi socodka dimoqraadiyadda.

 

Waxay u muuqataa in arrimo la xallin karayey ay sabab u yihiin in lagu guulaysan waayo qabsoomidda doorashada, sidaas awgeed, waxaan markale ugu baaqaynaa Xisbiyada iyo dhinacyada ay khuseeyaan hawlaha doorashadu, inay ka shaqeeyaan, sidii ay doorashooyinku ugu qabsoomi lahaayeen wakhtiga ugu horreeya.

 

CPA waxay ugu baaqaysaa Xukuumadda, Xisbiyada iyo Golaha Guurtida, in hab farsamo loo eego, xilliga ugu habboon ee lagu qaban karo doorashada, isla markaana laga fogaado in la sameeyo muddo kordhin wakhti dheer ah.

Weli waxaa taagan duruufo badan oo caqabad ku ah doorashooyinka, mana muuqdaan dedaal lagu xallinayo caqabadahaas, CPA waxay ku baaqaysaa in si dhakhso ah loo bilaabo, xal u helidda duruufaha hortaagan qabsoomidda doorashooyinka, sida ansixinta Xeerka Doorashooyinka oo Golaha Wakiillada horyaalla, Saami-qaybsiga kuraasta, arrinta Guddida Doorashada, iwm.

Waa markii shanaad ee ay dib u dhacdo doorashada Golaha Wakiillada oo la doortay September 2005 oo ay ahayd in la qabto bishii September 2010, halka ay tahay markii labaad ee ay dib u dhacdo doorashada Golaha Deegaanka oo la doortay bishii 28 November 2012 wakhtigooduna ku ekaa 2017.

Ku Saabsan CPA
Xarunta CPA waxaa loo aasaasay inay dalalka Geeska Afrika ka caawiso dib u dhiska, nabadaynta, dimoqraadiyadda, iyo Xuquuqda Aadanaha. Xarunta CPA waa magaalada Hargeisa ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Address: Badda Cas, Hargeisa, Somaliland
Email: centerforpolicy.ed@gmail.com cpa.hornofafrica@gmail.com
Web:www.centerforpolicy.net

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker