Diyaargarowga doorashada Kenya ee maalinta ah berri ah dhaceyso

Iyadoo wax ka yar 24-saacadood ay ka harsanyihiin doorashada guud ee Kenya ayaa weli socda safarka ay dadku kaga baxayaan magaalooyinka waaweyn ee dalka oo ay dadku ku sii qulqulayaan degmooyinka ay si ay codkooda uga dhiibtaan deegaannada ay asal ahaan ka soo jeedaan.

Magaalada Mombaasa ayaa ka mid ah meelaha laga dareemayey safarradaas halkaas oo ay ku nool yihiin dad badan oo Soomaali ah waxa se jira kuwo badan oo aan ka bixin magaalada.

Deegaannada ku yaalla xadka Kenya iyo Soomaaliya ee hoos yimaada deegaanka Dhadhaab ee gobolka Waqooyi Bari kenya ayaa waxaa ka socda diyaar garowga, iyadoo qalabkii codbixinta halkaasi lagu geynayo diyaarado.

Dad gaaraya ilaa 40,000 ayaa la sheegay inay codkooda ka dhiibanayaan doorashada berri.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker