Raila Odinga oo ku dhawaaqay in la joojiyay isu soo baxyadii galabta ee Kamukunji

Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa joojiyay isu soo bax uu taageerayaashiisa kula hadli lahaa kaasoo la qorsheeyay in uu ka dhaco garoonka Kamukunji ee mid ka mid ah xaafadaha magaalada Nairobi, isagoo sabab uga dhigay inay kordheen toogashada, weerarrada iyo caga-juglaynta ay booliiska ku hayaan taageerayaashiisa.

Khasaare ayaa laga soo sheegayaa in uu dalka oo dhan ka dhacay kadib mudaaharaadyada ay ku baaqeen mucaaradka iyo bulshada rayidka ah.

Labo qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen dibad baxayaasha oo xoog ku galay saldhigga booliiska kadibna ay gubeen.

nin kale ayaa dhintay kadib markii gaari booliis ah lagu jiiray wadada weyn ee Nairobi ee Mlolongo ee duleedka magaalada.

Waxaa sii socda burburka gaadiidka iyo ganacsiga ee ka jira gobolada kala duwan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker