Madaxweyne Biixi Oo Ku Gacan-Saydhay Ergo Ka Socotay Ganacsatadda Waaweyn Ee Dalka Iyo Isku-daygii Ugu Dambeeyey ..

Ergooyin Aad U Mihiim Ah Oo Ka Socday Shirkeddaha Ganacsiga Ee Ugu Balaadhan Dalka, Ayaa
Caawa Isku-dayey Inay Madaxweyne Biixi Kala Hadlaan khilaafka Siyaasaddeed Ee Dalka Ka Taagan, Iyagoo Rabay Inay Isku Soo Jeeddaan Madaxweynaha Iyo Isbahaysiga Xisbiyadda Mucaaridka Ah Ee WADDANI Iyo UCID Oo Uu Ka Dhexeeyo khilaaf Siyaasaddeed Oo Aad U Xun.

Ergaddan Oo Kala Ahaa Guddoomiyaha Shirkeddaha Telesom Group Cabdikariim Maxamed Iid, Maareeyaha Guud Ee Shirkeddaha Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid Iyo Guddoomiyaha Shirkedda Worldremit Axmed Ismaaciil, Ayaa Madaxweyne Biixi Oo Ay Caawa La kulmeen, Isla-markaana Ay isku-day Ay Ku Rabeen Inay Muuse Biixi Si Nasteexo ah Uga La Hadlaan khilaafka Siyaasaddeed Ee Dalka Ka Taagan, Ayaa Gabi Ahaanba Fashilmay, Kadib Markii Uu Madaxweyne Biixi Ku Gacansaydhay Ergaddoodda.

Ilo Wareed-yo Aad Loogu kalsoon Yahay, Ayaa  Noo  Xaqiijiyey   Inuu Madaxweyne Biixi Si Toos Ah U Diidday Dhexdhexaadinta khilaafka Siyaasaddeed Ee U Dhexeeya Isaga Iyo Xisbiyadda Mucaaridka Ee Ay Guddidan Ka Socotay Shirkeddaha Ganacsiga Ee Dalka Ugu Balaadhan.

Guddoomiyaha Shirkeddaha Telesom Group Cabdikariim Maxamed Iid, Maareeyaha Guud Ee Shirkeddaha Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid Iyo Guddoomiyaha Shirkedda Worldremit Axmed Ismaaciil, Ayaa   Xaqiijiyeen Inay Madaxweyne Biixi Ka Codsaddeen Inuu U Tudho Shacabkiisii Jilicsan Ee La daalaa Dhacaya Sicir-bararka Saameynta Adag Ku Yeeshay Noloshoodda Oo Uu Joojiyo Sharciga Uu Baalmarayo, Isla-markaana Uu Meesha Ka Saaro Waxyaabaha Keenaya khilaafka Siyaasaddeed Ee Dalka U Horseeddi Kara xasilooni Darro Oo Burburin Kara Tacabka Ay Muddadda 30-ka Sanno Ah Ay Reer Somaliland Soo Waddaan. Madaxweyne Biixi, Ayaa Si Cad Ugu Sheegay Inuu Diidday Dhexdhexaadintoodda, Isagoo Ganacsataddanna Ku War-geliyey Inay Faraha Kala Baxaan Arintan.

Isku-daygan dhexdhexaadinneed khilaafka Siyaasaddeed Ee CabdikariimMaxamed Iid, Cabdirashiid Dahabshiil Iyo Axmed Ismaaciil, Ayaa Noqonaysa Kii Ugu Dambeeyey Ee Uu Madaxweyne Biixi Ku Gacansaydho Oo Uu Diiddo, Isagoo Hore Siddan Oo Kale u Diidday Isku-dayo Badan Oo Ay Dhexdhexaadinta Ka Galeen khilaafka Siyaasaddeed Culimadda Aw-diinka, Madax-da Dhaqanka Iyo Shir-guddoonka Labadda Aqal Baarlamaan Ee JSL (Wakiiladda Iyo Guurtidda).

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker