QOF GARANAYA HALKA UU U SOCDO

Halgan waa urur ka duwan ururada oo u furan in uu noqdo Xisbi la wada leeyahay. Wuxu kuu soo bandhigayaa:
– Fikir cusub oo ka duwan fikirkii hore ee lagu assaasi jiray ururada ay ka soo bixi jireen Xisbiyada Qaranku
– Aragti cusub oo ku wajahan dhismaha qaran madaxbanaan oo ku suntan dawlad wanaag
– Jiil cusub oo ah siyaasiyiin uu dhiigooda ku talaalan yahay dumuux wadaniyadeed dhexdoodana ay ka soo bixi karaan kuwo leh hogaamin (talents of leadership)
– Wejiyo cusub oo bedela wajiyadii hore ee lagu bartay siyaasadda beenta iyo khiyaamada ama in laga guuro dugsi fikradeedkii gaboobay ee siyaasadda beenta iyo khiyaamada
Intaasiba waa sababaha ka dambeeya assaaska urur siyaasadeedka HALGAN ee ku wajahan wax ka bedelka xisbiyada siyaasadda mustaqbalka ee jiilka sadexaad iyo ka dib.
Maalintii daahfurka urur siyaasadeedka HALGAN waxan idhi “anigu urur maan furan ee urur baan furay”. Hadii shakhsi ahaan dan yar oo gaar ahi ka wadan lahaa waxan odhan lahaa “ urur baan furtay”.
Dadku isbedelka hore uguma dhiiradaan waayo waa wax ku cusub dadkuna waa u nacab wixii ku cusub ee jaahil ay ka yihiin. Sidaa daraadeed isbedelku wuxu u baahan yahay samir aniguna ma ihi qof degdegsan oo wax gaar ahi ka maqan yahay

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker