Siyaasi Reer Somaliland Ah Oo Doonaya Madaxweyne-nimada Soomaaliya Oo Kenya Lagu Xidhay

Siyaasi dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland oo doonaya inuu u tartamo Madaxweyne-nimada Soomaaliya, ayaa lagu xidhay Magaalada Nairobi.

Siyaasigan oo lagu Magacaabo Mohamed Yassin Ismael, ayaa lagu eedeeyay inuu 4 Million oo lacagta Kenya ah, hab aan sax ahayn uga qaatay Nin sida la sheegay uu ku qanciyey inuu iibsado Guri la deggan yahay, inkasta oo aan weli kiiska loo haystaa dibedda u soo wada bixin.

Jariiradda standard oo ka mid ah Warbaahinta Kenya, ayaa baahisay in Siyaasigan oo sidoo kale ah Hantiile iyo Maalgashade uu ku xidhan yahay Saldhig Boolis oo ku yaalla deegaanka Pangani oo ka mid ah Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya.

Xadhiggiisa waxa amartay Maxkamad ku taalla Magaalada Nairobi, sida uu sheegay Wargeska standard, Joseph Mburugu oo ah Dacwad-oogaha gacanta ku haya kiiska siyaasigan, ayaa diiday in la siidaayo, isagoo walaac ka muujiyey in haddii la siidaayo uu baxsado.

Maxkamadda oo xiganaysa baadhaha kiiskan, ayaa sheegtay in Maxamed Cumar Xasan oo ah Ninka soo eedeeyay Siyaasiga Maxamed Yaasiin Ismaaciil uu sheegay in eedaysanuhu u sheegay inuu awood u leeyahay inuu iibiyo Guri la deggan yahay, ka dibna uu lacagta ka qaatay bishii February, 2021.

Wargeysku waxa kale oo uu soo weriyey inay jiraan Lacago gaadhaya illaa 100 Milion dollar, kuwaasi oo uu ku eedaysan yahay Siyaasiga u dhashay Somaliland ee doonaya inuu u tartamo Madaxweyne-nimada dalka Soomaaliya.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker