Qaramada Midoobay oo ka digtay macluul ka dhalata Abaarta ka jirta Soomaaliya

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Abaarta ka jirta dalalka Geeska Afrika ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya ay saameysay ku dhowaad labaatan Milyan ruux, kuwaasi oo wajaha xaalad macluul iyo biyo la’aan ay keentay Abaarta.

“Ugu yaraan 18.6 milyan oo qof oo ku kala nool Soomaliya, Kenya iyo Itoobiya ayaa wajahaya cunto yari aad u daran iyo nafaqo darro sii kordheysa waxaana tiradan ay gaari kartaa 20 milyan marka la gaaro Sebtembar. in ka badan 7 milyan oo carruur ah oo ay hayso nafaqo-xumo ba’an iyadoo laba milyan ay soo food saartay nooca ugu khatarta badan – nafaqo-xumo ba’an” ayaa lagu yiri Bayaan ka soo baxay Hay’adda Save the children oo tagta Qaramada Midoobay.

“Geeska Afrika waxa soo food saartay abaartii ugu xumayd muddo 40 sano ah kadib markii ay roobabkii la wayaay, iyadoo ay u sii dheer tahay sare u kaca qiimaha cuntada ee ka dhashay dagaalka Ukraine iyo Saameynta  canuunkaCOVID-19d-19” ayaa lagu yiri Bayaan ka soo baxay Qaramada Midoobay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker