Saamiga-Qaybsigga Gobolada ee Golaha Wakiiladda JSL

Waxaa had iyo goor soo noqnoqda dooda odhanaysa Saami-Qaybsigga Goboladdu waa cadaalad daro. Gaarahaan waxaa dooda ku adaga Gobolada Awadal iyo Sool, waxaad in badan arkaysaa iyaga oo leh waa in tiro-koob la sameeya oo dhamman dadka reer Somaliland la tiro-koob. Haddii tiro-koob la sameeyo maxaa soo baxaya? Su’aasha waa mid muddan in la is dul-gaato.

Khasab ma ah in qof kasta oo qaata card-ka uu cod-bixiye noqodo, sharci khasbayaa ma jiro, waa xor qofku inuu codkiisa dhiibto iyo inuusan dhiiban, Mawaadinku gobolka uu doono ha ku noolaadeeye ma jirto shuruud ku xidhan inuu noqodo mid ka codeeya gobolka uu ka soo jeedo. Sida awgeed, dadka ku dooda gobolka ay ka soo jeedan in tirda dadka cod-bixiyeyaashu la diiwaanogeliyo ma aha mid sax ah, waan fahmi karaa ujeedka ka danbeya oo ah Gobolka-anaga ayaa tiro badan, sida awgeed, waa in dhaqaalaha wadanka soo gal qayb libaax aan ka helaa.
Dadka sida u fikira waa in ay ogaadan in ay khaldan tahay, xukumadan waxaa waajib ku ah in Gobol dad badan iyo mid dad yarba ay tahay in khayraadka dalka si siman loo qaybsada, waa haddii mab’da dawladu ku shaqaysaa ay tahay mid ku salysan waxqaybsi (Redistribution)
Dasturka Somaliland Qodobka 40aad wuxuu leeyahay: tirada Golaha iyo Doorashadiisa, Golaha Wakiilada waxaa uu ka kooban tahay 82 xubnood oo lagu soo doorto doorasho guud oo toos ah iyo cod-bixin qarsoodi ah oo xor ah. Dadka ku dood tirada ha la kordhiyo, waa in ay ogaadan in Dastuurka oo la furo mooye aan waxba laga bedeli karin. Sida awgeed, ay khasab tahay in Gobolada dalku ay qaybsadaan tirada ah 82 xubnood.

 

Shaxdan hoose ku qorani waxay tahay tiro-koobkii guud ee doorashooyinkii ka dhacay Somaliland, 2003 doorshadii Madaxweyneha, 2005 doorashadii Golaha Wakiilada, 2010 doorashaddii Madaxweynha, 2017 doorashaddii madaxweynha. Gobolkasta waxaan soo qaatay tiraddii ka codays sanadka

Goboladu waa M/Jeex, Awdal, Togdheer, Sanaag, Saaxil iyo Sool, waxaa mid kasta ku hore qoran tiraddii ka cod-bixisay sanadaha kala gedisan, iyo wadartoodi guud, waxaa marka muuqada in tirada Gobolkasta ka cod-bixisay ay tahay saamiga ay ka helayso tirada guud ee Golaha Wakiilada oo ah 82 xubnood.

Haddii aad eegto tirada ka cod-bixsay gobol kasta afarta sanadood (4 years) waa tiro isku dhow oo isku miisaaman. 2003 ilaa 2017 waxaa u dhexeya afar iyo toban sanno (14 years). M/jeex 2003 ilaa 2017 tirada cod-bixiyeyaash kordhkoodu waa 19%, Gobolka Awdal kordhka cod-bixyeyaashu waa 55%, Gobolka Togdheer kordhku waa 28%, Gobolka Sanaag kordhka cob-bixiyeyaashu waa 39%, Gobolka Saaxil korodhka cod-bixiyeyaashu waa 99%, Gobolka Sool kordhka cod-bixiyeyaashu waa 557%.

 

Gobolka Sool kordhka cod-bixiyeyaashu waa mid u muuqda in la is kor taago oo laga bixiyo sharaxaad dheerad ha, Gobolku wuxuu ku jirey xaaladoo nabadgeliyo xumi iyo loolan ka dhexeyey labda dawladood ee Somaliland iyo Maamul Goboleedka Puntland, sida awgeed, 2003 wax cod-bixin ah oo la sheegi karo ma jirin, laakin 2017 oo ay Gobolka ka talinyeen dadka degaanku waxay fursad u heleen in ay codkooda dhiibtaan, waxaa weli jira degaano badan oo aan laga cod-bixin, sababo amaan-xuni ah iyo iyada oo ay weli gacanta ugu jiraan Maamul Goboleedka Puntland, sida awgeed, tiro-koobkan (Statistics) gaaban waxaan u kala qaaday saddex; mid Goboladu u dhan yihiin Gobol kastan ay ku hore qoran yihiin tirad uu qayb u helay.
Iyo mid kale oo uu Gobolka Sool si gaar ah aan u eegeyno iyo shaxadda 3aad oo ah sanadaha 2003, 2005, 2010 iyo 2017ka oo gobol kasta aan ku salayey codka uu sannadka bixiyey tirad uu xubnaha wakiilad ka heli lahaa (hypothetical)

 

Saamiga-Qaybsiga Gobolada Ee Golaha Wakiiladda, Doorashooyinka iyo Wadarta Cod-bixiyayaasha (shaxdda kowaad)

Shaxada kowaad
Waxay inoo sharaxaysaa sida saami-qaybsigu yahay, marka ay goboladu u dhan yihiin, waxay ku salaysan tahay tirda guud oo 4 sanno ah. Tirad uu Gobolku ka helay wadarta guud ee dhamman Gobolada.

Saamiga-Qaybsigga Gobolada ee Golaha Wakiiladda, Doorshooyinka iyo Wadarta Cod-bixiyayaasha oo saamiga Gobolka Sool gaar looga dhigay sababah ay tahay:(Shaxda labaad)

Shaxada labaad: Waxay sharaxaysaa saami-qaybsigga oo laga saaray Gobolka Sool tirad gaarka loo dhigayn ay tahay 12 kursi, waxaa soo hadhay 70 kursi oo aan ugu saami-qaybinay 4 Gobol ee iyaga tiro aan si leeyahay waa ay sax tahay aan ku saleeyey.
1 – Iyada oo Dawalda Somaliland aysan sugin gacan ku ahaynta dhamman Gobolka Sool
2- Gobolka oo aysan weli dadka degaanku fursad u helin ay isku abaabulaan oo codkooda ay ku dhiibtaan si nabadgeliyo ah
3- Iyada oo aysan suurtogal ahayn in dhamman goobaha cod-bixinta ee Gobolka la wada gaadhsiiyo sanaaduuqda cod-bixinta, sida awgeed, ay gobolka u saamaxayn in ay si mug leh u dhiibtaan codkooda.
Sababhaas kor awgeed, waxaa gobolka isaga loo qoondaynyaa inuu ku galo codbixina tiraddii hore ee ahay 12 kursi (taasi oo ka soo jeeda saami-qaybsigii 60kii).

 

Saami-Qaybisgga Gobolada ee Golaha Wakiilada ee Gobol-Gobol
Shaxaddan hoose ku qorani waa tirada Gobol kasta ka heli karo xubnaha Golaha Wakiilada taasi oo ku salaysan cod-bxintii la qaaday sanadahan 2003, 2005, 2010, 2017kii, oo sanad sand aan ugu saami-qaybino: (Shaxada 3aad)

Shaxada saddexaad: waxa ay sharaxaysaa kuraasta ama saamiga uu ka heli lahaa Golaha Wakiilada Gobol kasta, iyada oo lagu salaynayo tirada codka ee Gobolka iyo sannadka oo ahaa 2003, 2005, 2010, iyo 2017kii, sida ay u kala horeyaan. Tu’saale waxaad arkaysaa in G/jeex uu 2003dii ka heli lahaa Golaha Wakiilada 35 kursi, halka 2017 ka heli lahaa 29 Kursi, waxaa halka ka cad in trida kordhka dadka degan Gobolku uusan ahayn mid joogto ah ee uu isla bedelaayo kordhka dadka ee Gobolad kale. Awdal waa la mid wuxuu codka Kuraastu ku salaysan yahay tirade Gobolka degata iyo weliba kordhka dadka dega Gobolada kale.
Haddii aynu u eegno Gobol-Gobol, tirada Gobol kasta uu ka heliyo saamiga cod-bixinta ee doorashaddii hore ee dalku galay wax farqi ah oo la sheegi karo uma dhexeeyo. Gobolka keliya ee farqi la sheegi karo samaynayaa waa Gobolka Sool, sida aynu hore u soo sheegnay, Gobolkaasi wax uu ku sugnaa xaalado aan u saamaxayn in cod-bixin sax ahi ka dhacado, waxa isbedel mug leh ka muuqada sanadkii 2017kii kaasi oo saamiga ay heli lahaayeen yahay 7 kursi, laakin weli ma aha mid lagu qanci karo, ilaa gobolka oo dhan cod-bixintu gaadho mooye.

Gebegebo
Gobolada ku dooday in tiro-koob la sameeyo waa in ay ogaadan in wax ka maqani aysan jirin haddii laga tegi waayo waxaa la odhan kara Gobolka M/jeex ayaa wax ka maqan yihiin, waayo sanakii 2017 ayaa ugu yaraa oo waxaa ka maqanaa 4, laakin Gobolada kale wax ka maqan oo buuran ma jiraan, haddii laga tegi waayo isku celcelin wax ka maqani waa mid ama lab (1 or 2), in doorasho inoo dhici weydo 15 sanno, sababta oo ah tiro-koob aan macano lahayn, waa arrin aan odhan karo, waa masuuliyad daro ka timid xukumadda Kulmiye ee 10 sanno wadanka ku riday jahwareer iyo ila-meereyso. Qabsoomid la’aanta doorashadu waxay in yeeshay ayaa ka badan wax lagu doonayo.
Somaliland uma baahan in tiro-koob la sameeyo, waayo, dadka reer Somaliland waa reer-guura oo ma laha goob loogu soo hagaago sanad kasta (fixed Address), waxaa suurgogal ah in sanadna uu Kililka 5aad ee Ethiopia galo sanadka xigan uu Somaliland yimaado, dadka reer Somaliland waxay tiradooda xoogan ay degaan ahaan degan yihiin Killilka 5aad.

Saami-qaybsigu wuxu xalaal ku yahay in tirada sanaka hore Codaysa ama cod-bixinta gashaa lagu saleeyo saamiga-Qaybsigga Gobolada Somaliland.
Gobolka Sool oo keliya ayay tahay in tixgelin dheerad ah la siiyo, Gobolada kalena waxaa ay tahay in ay ku galaan doorashada tiro-koobkii doorashooyinkii inuu soo qabsoomay. Kaas ayaa ugu wanaagsan in lagu sameeyo doorashada Wakiilada.

 

By Osman Awad

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker