“Markii aan arkay in xaalkaagu uu ku jiro Aabahaa iyo hooyadaa iyamaa la cadaabaa”

AABBAHAA IYO HOOYADAA IYAMAA LA CADAABAA?!!!

Dabayaaqadii sagaashamaadkii xilli dalku ka soo doogayey dagaalladii sokeeye, xukuumaddii madaxweyne Cigaalna ay meel fiican u maraysay hawshii dhismaha ciidamada qaranku, waxaa si kedis ah magaalada Burco uga soo degey madaxweynihii hore ee Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Axmed Cali.

Cabdiraxmaan in muddo ah ayuu Muqdisho ku maqnaa, isaga oo qaatay aragtida Federaalka, xil madaxweyne ku xigeen ayaanu ka hayey xukuumaddii Sal-ballaadh la odhan jiray ee Janaraal Caydiid.
Xaaladda dalku markaas marayey ee yabyabka ahayd, Cabdiraxmaan oo dalka yimid isaga oo xil Soomaaliya ah haya, iyo magaalada uu ka soo degey oo ahayd deegaan uu awood shacbiyadeed ku yeelan karayey ayaa walaac badan abuurtay.

Sheekada kale hadda uma socdo ee, xilligaas waxaa ciidamada Somaliland haystay Alle ha u naxariisto ee Kornayl Xasan Yoonis Habbane. Marka garabbadii SNM ahaan jirtay la eegana Kornaylku waxa uu ahaa raggii loo tirin jiray in ay Cabdiraxmaan saaxiib la ahaayeen, xilligii SNM iyo markii uu madaxweynaha Somaliland ahaaba.
Sida muuqatay Cigaal xogtaas xidhiidhka labada nin waa hayey, walaaca jirayna waxa uu ahaa in haddiiba imaanshiyaha Cabdiraxmaan xiisad abuurto, in aanu isku hallayn karin Kornayl Xasan Yoonis oo saaxiibkii Cabdiraxmaan dhanka kale ka soo jeedo. Sidaas awgeed, go’aamada uu Cigaal qaatay si uu xaaladdaas u waajaho waxaa ka mid ahaa in uu xilka ka qaaday Kornayl Habbane.

Cigaal waxa uu caan ku ahaa in masuulka uu xilka ka qaadayo uu erey iyo laba ka sii daba tuuro, kaas oo inta badan noqon jiray naanays ama hal-ku-dheg siyaasadeed.
Haddaba, wareegtadii uu maalintaas ku caydhiyey Kornayl Habbane, ereyga uu u cugtay waxa uu macno ahaan ahaa, “Markii aan arkay in xaalkaagu uu ku jiro Aabahaa iyo hooyadaa iyamaa la cadaabaa”
Waxa uu ugu duur xulayey in Kornayl Xasan uu dhinacna ka doonayo in uu nidaamka dawladnimo ilaaliyo, dhinaca kalana ka xiisaynayo in aanu saaxiibkii Cabdiraxmaan cidlo kaga tegin, haddiiba ay duruufuhu qasbaan.

Sheekadan sida ay isu qabanayso in aan sharraxo uma baahni hadda, laakiin waxaa I xasuusiyey Duqa Caasimadda Mudane Cabdikariim Axmed Mooge; nasiib xumadiisu waa in deegaan doorashadiisa iyo xisbigiisu ay mucaarad mayal adag yihiin xilligan, in uu ka go’aana ay ku adagtahay sababo badan awgood. Dhinaca kalana uu ku qasban yahay in uu la shaqeeyo xukuumadda Kulmiye ee iyaduna meesha fog ka taagan xaalka mucaaradka. Isaga oo og haddii aanu yeelin sida ay ka rabto, in ay ceejin doonto.

Waxa aanan hubaa in culayska haystaa ku sii kordhi doono, maalin kasta oo xaalka siyaasaddu sii adkaado.
Kamaal Axmed Cali

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker