Puntland oo sheegtey in Somaliland ay ‘duullaan’ ku soo qaadday.

“Waxan ku sugna ilaa shaley Degmada Bocame waxaan rabaa in aan la wadaago Shacab iyo Dawlada PUtland iyo Umada Somaliyeed ba in maanta ay duulan ciidan ku Soo qaadeen Ciidanka Somaliland magalada Bocame yagoo wata 45 tigniko ah, aynu weheliyaan ninka sheegta Gudomiyaha Gobolka Sool ee Somalind iyo saraakiil ciidan iyo dadkaloo weheliya oo Ka Soo raacey Laascaanood.
Waxaa Ka horyimid dadka magalada degan qeybihiisa kala duwan iyo ciidanka Boliska degmada.
Waxaa u suuro geliweydey in ay magalada Soo galaan, kana helaan Soo dhaweyni.
Waxaa nasiib daro ah in maamulkaas xiligan adag ee abaraha iyo sixir bararku dadku la daaladhacayaan ay duulan Soo qaadan.
Waxaa duulanku daarana labo ujeedo, mid in lacarqaladeeyo nabadeynita beelaha walaalaha ah ee Xasan Ugaas iyo Maxamed Ugaadh iyo Bahdubeybi oo meel gebegabo ah mareysa isimada dhaqanka ay hada gabagabeyni teeda ku jiraan aynu ugu dambeysey gogoshii Ugaad Maxamud Ugaas Cabdulahi dhegey Bocame iyo shirka hada Garoowe isimadu ujoogaan.
Waxaa kaloo la rabaa in lagu mashquuliyo reer Somalind oo hada Muuse Biixi rabo inuu boobo,
oo hada buuq weyni Ka taagan yahay.
Bocame sacad kadib weyka tageen yagoo kabadan joogi kari waayey.
Bocame hadda Waxaa ku sugan aniga iyo Xildhibaan Cabdiraxaman iyo gudomiyaha Gobolka Sool iyo mamulkii degmada waana nabad.”
Ilyaas Lugatoor Gebiley
Wasiirka Duulista Hawada Puntland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker