Ganacsadde Sacad Maxamed Qawdhan Oo Lagu Maamuusay Shahaaddo Sharef
Ganacsadde Sacad Maxamed Qawdhan Oo Kamid Ah Ganacsatada & Qurba Jooga Reer Somaliland Ayaa Si Weyn Loogu Maamusay Shahaaddo Sharaf Dhiiri Galin Ah.
Wasaaradda Waxbarashada Iyo Sayniska Ee JSL, Ayaa Mr Sacad Maxamed Qawdhan Ku Maamustay Shahaaddo Sharafta Uu Ku Mutaystay Ka Qaybgalka Dhanka Horumarinta Dalkiisa Hooyo, Gaar Ahaan Soo Ururinta Lacagta & Isku Dubaridka Dayactirka Dugsiga Sare Ee Facawayn Ee Faarax Oomaar Ee Magaaladda Hargeysa Oo Uu Door Mihiim Ah Iyo Kaalin Weyn Oo Wax Ku Ool Ah Uu Ku Lahaa Siddii Loo Dayactirilaha Dhismihiisa.
Sacad Maxamed Qawdhan Ayaa Ah Muwaadin Reer Somaliland Oo Ganacsatade Ah Kalin Wayna Ka Qaata Horumarka Dalka JSL Isagoo Ah Muwadinka Hirgaliyay Ama Aasaasay Boodhinka Wayn Ee Degmadda Duruqsi Ee Gobolka Togdheer.
Siddoo Kale Sacad Maxamed Qawdhan Ayaa Ah Muwaadin Garab Istaaga Dhalinyaradda & Arimaha Sports Isagoo Qayb Wayn Ka Qaatay Tartanka Bisha Ramaddan Ee Ka Socday Garoonka Lixle Ee Magaaladda Burco.
Ganacsaddahan Da,dayar Ayaa Ah Muwaadin Ka Qayb Qaata Adeeg-yadda Kala Duwan Ee Arrimaha Bulshadda Dalkiisa Hooyo.
Mr Sacad Maxamed Qawdhan, Ayaa Degan Dalka Boqortooyadda Ingiriiska, Waxaanu Hadda Ku Sugan Dalka, Gaar Ahaan Caasimadda Dalka Ee Hargeysa. Wuxuuna Ka Mid Ahaa Ardaydii Hore Wax Uga Soo Baratay Dugsiga Sare Ee Faarax Oomaar Ee Magaaladda Hargeysa.




