Xildhibaan Uga Digay Ciidanka Booliska Inay Falal Ka Dhan Ah Asxaabta Mucaaridka Iyo Taageerayaashoodda Ku Kacaan.

Xildhibaan Ogaal Oo Ciidanka Booliska Uga Digay Inay Falal Ka Dhan Ah Asxaabta Mucaaridka Iyo Taageerayaashoodda Ku Kacaan, Kunna Dhaqmaan Xeer LR 63/2013).

Xildhibaan Xasan Cumar Xasan (Ogaal) Oo Ka Mid Ah Golaha Wakiiladda Ee Somaliland, Ayaa Taliska Guud Ee Ciidamadda Booliska Ee JSL Uga Digay Inay Falal Ka Dhan Ah Asxaabta Mucaaridka Iyo Taageerayaashoodda Ku Kacaan, Isla-markaana Ay Ku Dhaqmaan Xeer LR 63/2013) Ee Ciidamadda Booliska Ee JSL Sidda Uu Dhigayo.

Xildhibaan Xasan Cumar Xasan (Ogaal), Ayaa Siddan Ku Sheegay Qoraal Uu Ku Baahiyey Bartiisa Facebookga, Waxaanu Uu Ku Yidhi Siddan “Ciidanka Booliska JSL wuxuu leeyahay xeerka la yidhaahdo (Xeerka Ciidanka Booliiska Somaliland LR 63/2013), kaas oo qayaxaya waajiboodkooda shaqo iyo Masuuliyaddooda guud isla markaasna waa xeerka lagu Maamulo Booliska.

Sidii dhacday malmihii Xisbiyaddu sameeyeen isu soo bixi nabadgelyada ahaa, waxay isticmaaleen xabad nool, iyo jidh dil, xeerarka caalamiga ah iyo xeerkan Booliskuba ay macnuuceen, sida uu dhigaayo, xeerka Boolisku, qodobkiisa 16-aad, farqdiisa 7-aad oo odhanaysa “Ciidanka Booliisku xabad nool uma adeegsan Karaan dad aan hubeysnayn haday dhacdona waxaa ka masuula cidda amarkaa bixisay.”

Taasi waxay ku tusaysaa in Madaxda Ciidanka Boolisku sharcigii ka leexdeen oo ilaa hada anay wax anshax marin ah ku qaadin cidii falkaas gaysatay.
Xisbiyada Mucaaridku waxay sheegeen inay hakin ku sameeyeen mudaharaadkii salmiga ahaa, taas oo ay ku sababeeyeen codsi uga yimi Guddi is xilqaantay, waxaase dhawaan uu sheegay Musharaxa Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Cirro inay qorshaynayaa in dib loo bilaabo mudaharaadkii salmiga ahaa.

Haddaba, Xisbiyadda iyo bulshaduba xaq ayay u leeyihiin inay dareenkooda ku cabiraan isu soo bax salmi ah oo nabadgelyo, waana xuquuq aas-aasiya oo qofkastaa leeyahay inuu dareenkiisa cabiro, qofkana hadii loo Diiddo inuu afka ka hadlo ma waxaa la doonayaa inuu gacanta ka hadlo. Sidaas markay tahay, shalay madaxdii Ciidanka Booliska ee hadlaysay waxaad moodaysay inay sii xalaalaysanayaan ficil ay qabanayaan, waxaana haboon in aan la siyaasadayn Ciidanka Booliska, sidaas oo ay tahay Madaxweynuhu waa Taliyaha Guud ee Ciidamadda JSL oo Ciiddankan Booliskuna ka mid yahay, sida waafaqsan Qoddobka 90aad ee Dastoorka JSL, waxaana looga baahan yahay inuu ilaaliyo sumcadda Ciidanka iyo inaanu siinin amar khaldan madaxda Ciidanka, haduu isagu sharciga u yaqaano “sharcibaan ku taaganay” inaga oo arkayna inuu yahay Madaxweynihii ugu horeeyay ee macno tira Dasduurkii iyo xeerarka Qarankani leeyahay.

Markaas waxaan bulshada u soo Jeeddinayaa inay Ciidanka Booliska Ilaaliyaan oo la shaqeeyaan isla markaasna waxaan Ciidanka Booliska si weyn ugu boorinayaa inay shicibkooda ilaaliyaan oo iyagu aanay nabadgelyo daro abuurin, niyadana ku hayaan, dhaartan la mariyo markaad shaqada gelaysaan, taas oo ah “ Xubin kasta oo ciidanka Booliska Somaliland loo qaato marka shaqada la qorayo waa in la mariyaa dhaartan Dastuuriga ah ee ku xusan Qoddobka 129aad ee Dastuurka qaranka una dhigan sidan “WAXAAN ILAAHAY UGU DHAARTAY IN AAN U NOQONAYO DAACAD DIINTA ISLAAMKA, DALKAYGA SOMALILAND, DADKIISANA KU MAAMULAYO SINNAAN IYO CADDAALAD INTA AAN XILKA HAYO.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker