Ra’iisul Wasaare dadkiisa ugu baaqay in aysan xiran garabaati
Ra’iisul Wasaaraha Spain Pedro Sanchez ayaa ugu shaqaalaha dalkaas inay joojiyaan xirashada garabaati si looga hortaggo kuleylka daran ee saameeyay dalkaas.
Mr Sanchez wuxuu sheegay in dowladdiisa ay bilaabeyso tallaabooyin lagu ilaalinayo tamarta xilli dalalka Yurub ay ku dadaalayaan sidii ay u hoos ugu dhigi lahaayeen ku tirsanaanta shidaalka Ruushka kadib dagaalka Ukraine.
Isaga oo ka hadlayay shir jaraa’id uu ku qabtay Madrid wuxuu Ra’iisul Wasaaraha sheegay in isaga uu xiranin garabaati isla markaana uu doonayo in tallaabadaas ay raacaan wasiiradiisa iyo shaqaalaha.
Jimcihii heerkulka wuxuu magaalada Madrid gaaray 36C halka Seville uu gaaray 39C.
Wuxuu sheegay in tallaabadan ay xaqiijin doonto in dadka ay iska ilaaliyaan kuleylka daran.




