“3-Milyan Oo Doollar Oo Loo Qoondeeyey Daddaalada Arrimaha Ictiraaf-raadinta, Maxaa Lagu Qabtaa?”

Ambassador Caydaruus Sh Aadan Safiirkii Hore Ee JSL U Fadhiyey Dalka Sweden, Ayaa Dhawaan Si Weyn U Dhaliilay Daddaalada Aqoonsi-raadinta Iyo Fadhiidnimadda Siyaasaddii Arrimaha Dibadda Ee JSL Oo Ay Qaranka Uga Masuulka Tahay Wasaaradda Arimaha Dibadda Ee Somaliland.

Ambassador Caydaruus Sh Aadan, Ayaa Si Weyn Su’aal U Galiyey Halka Ay Ku Baxdo Lacag Dhan Saddex Milyan Oo Doollar Oo Loogu Talogalay Arrimaha Iyo Daddaalladdii Ictiraaf-raadinta, Waxaanu Yidhi Dublamaasi Sare Amb Caydaruus Sh Aadan “3-Milyan Oo Doollar Oo Loo Qoondeeyey Ictiraaf-raadinta Maxaa Lagu Qabtaa?”.

Dublamaasi Sare Amb Caydaruus Sh Aadan, Isla-markaana Muddo Badan Kusoo Jiray Arrimaha Dublamaasiyadda Oo Hadalkiisa Waddaa, Ayaa Yidhi “10 Sanno Ka Hor Ayeynu Ka Liidanaa, Halkay Marayso Siyaasaddeennii Arrimaha Dibedda Iyo Daddaalladdii Ictiraaf-raadinta !” Ayuu Yidhi Ambassador Caydaruus Sh Aadan Safiirkii Hore Ee JSL U Fadhiyey Dalka Sweden.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker