“MADAXDEENNU WAA GUN XUL AH!”

Haddii xafiis dawladeed muraad uu si uun kaaga galo, waxa aad ogaanaysaa garasho-darrada, maamul-xumada, jahliga, kibirka iyo isla-weynaanta madaxdeena! Waxa aanad arkaysaa xafiis dawladeed oo ummadda in uu u adeego u furan, oo lugu odhanayo haddii aad doonayso in aad gudaha gasho qof madax ah la hadal, oo isagu ha na yidhaahdo soo daaya. Go’aannadaasi jahliga iyo doqonnimada ku dhisani, waxa ay ka soo fulayaan madaxda. Haddaba waxa hal-xidhaale adag ah, maxay ku nool yihiin dadkii danyarta ahaa ee aan xafiisyadan cid ay u sii maraan haysan?!
Haddii aad cabbaar u kuur gasho dhaqanka shaqo ee badi madaxdeenu wuxuu shabbahaa kuwa dadka waxyaabaha sharci-darrada ah ka shaqeeya sida; maan-dooriyaha. Kuwaas oo dhuumashada iyo orodka ku shaqeeya. Sidaas darteed waxa kuu muuqanaysa in dalkan kuraastii ummadda laga hoggaaminayay barta ugu hoosaysa illaa figta ugu sarreysa ay ku fadhiyaan shakhsiyaad aan kalsooni lahayn, oo aan qofka shaqo ka yeesha haa iyo maya midna odhan karayn. Isku-soo-wada-xooriyoo, dhaqannada noocan ahi waxa ay dadka nacsiinayaan nidaamka dawladnimo.
Ugu dambayn aniga iyo ninka madaxda ah ee xun arxan nama-dhexyaal, sidanna waxaan u arkaa sidii ugu habboonayd ee qof aan qiimaha dadkiisa iyo nidaamkiisa dawladnimo midna tix-gelin loo la hadli lahaa. Taasi oo u eg qaniinyo, qaniinyaa kaa fujisa! Haddaba adigu halkee iyo sidee ugu habboon ee dhaqan madaxeed aan wanaagsanayn lugu sixi karaa ayay kuula muuqataa?
Qore:- Cabdinaasir Axmed Abraham

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker