Maayar (Cagowayne) Way Ku Ceeshtay Ciddii Keensatay

Maayar (Cagowayne) Way Ku Ceeshtay Ciddii Keensatay Cabdicasiis Maxamed Xaashi waa maayar ku xigeenka hargeisa waxa la doortay sannadkii 2012ki iyadoo laga soo doortay degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge lagana soo saaray xisbiga UCID. Markii uu ku soo baxay kursigaasi xildhibaanimada waxa waxa uu jaanis bilaa loolana ka helay maayarki hore golaha deeganka hargeisa marxuum yuusuf warsame siciid oo xilligaasi xisbiga kulmiye u soo sharraxay boska maayarka caasimada Maamo milgo waa hooyada dhashay maayar ku xigeenka caasimada hargeisa waxayna hayd agaasimaha waaxda qashinka dowladda hoose ee hargeisa maamadasi waxay gunta dhiisha iskaga xidhay sidii ay booskaasi maayar ku xigeenka ugu fadhiisin lahayd wiilkeeda oo ka mid noqday xildhibanada golaha deeganka aakhirkiina waa ay ku guulaystay isku daygeedii Maamo Milgo agaasimaha waaxda qashinka dowladda hoose oo ay isku beel yihiin maayraka caasimada Cabdiraxmaan Solteco waana ta keentay in maanta Cabdicasiis Maxamed Xaashi inaanu raadin xuquuqdi degmooyinkaasi laga soo doortay waxna ka odhan karin qadraaasyada dhismaha wadooyinka ka socda qaar ka mida xaafadaha magalada hargeisa waana xubin u rabaysan ilaalinta ficilada iyo hadalada Solteco oo ah nin isagu degmooyinkii laga soo doortay wax ku celiyey iyadoo ay jiraan dano gaara oo ay ku fushadeen huwantaa uu u heelan yahay taasi badalkeedana uu ku hellay dhismayaal uu hargeisa ka samaysaytay iyo qandaraasyo ma guurto ah oo laga siiyey dowladda hoose oo dhawaan daboolka idiinka qaadi doono Maayar Cabdicasiis waa maqaar dadkiisa loo adeegsado waxna aan u qaban iyadoo malmihii ugu danbaysay degmoyinka Axmed Dhagax,Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge ay cabasho badan oo dareenkooda soo jeedisay taasi badalkeedana ay qaaden ficil dawo u noqon kara hagardaamada aan lala qabin ee ay dowladda hoose iyo huwanteedu kaga sooceen degmooyinka kale ayna ku doorteen maayaro iyo ku xigeeno ay dantooda ka dhex arkeen iyagoona ka joojiyay baadii (cashuurtii) ay sii jireen dowladda hoose Balse sidii caadada u ahayd waxa lasoo adeegsaday Cabdicasiis Cagowayne loona soo dhex maray xadhiga xubnihii ka dhiidhiyey dhibta dowladda hoose ay ku hayso degmooyinkooda….. Qaybta 2….. qandaraasyada qoyska cagowayne Ka samaysaytay xoolaha umada W/Q: Maxamed Aadan Seed

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker