Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Guurtida JSL Oo Lagu Dacwaynayo Ficil Ka Dhan Ah Diinta Islaamka.

Wariye Cumar Shaabaash oo ka hawl gala Telefishanka Bulsho Tv ee xaruntiisu tahay caaasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa sheegay in uu sharciga la tiigsanayo oo uu dacwad ku soo oogayo Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan oo loo yaqaano Indho Indho kaasi oo uu ku eedeeyey in uu aflagaadeeyey Diinta Islaamka iyo waliba hooyadii oo dhimatay.
Wariye Cumar Shaabaash oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa waxa uu yidhi: “Sida aad la socotaan Golaha Guurtida Somaliland waxa ay dalka iyo dadkaba uga masuul yihiin dhaqanka iyo diinta waana aqalka saree e Baarlamanka. Haddaba xildhibaan Cabdiqaadir Indho Indho oo golahan ka tirsan ayaan shalay (Dorraad) doonayay in aan waraysi kooban ka qaado oo aan su’aalo waydiiyo. Xildhibaanka markii aan ka codsaday Waraysiga waa uu iga ogolaaday waxaanu yidhi soo dhawaw. Markii aan diyaarsanay kamaradda ee aan damcay in aan su’aasha kooowaad waydiiyo sidii aad muuqaalka ka arkayseen waxa uu si badheedh ah u caayay Hooyaday iyo waliba Diinteeda. Mar alla marka aan is idhaa waraysiga bilow ee aan magaciisa sheego ayuu makarafoonka igala boodayaa. Aniga oo aan su’aashiiba afka ka soo saarin ayuu xildhibaanku halkaa waxa uu iigu gaystay aflagaado. Waxa uu caayayaa Hooyaday diinteeda. Inkasta oo codka la moodi karo si kale haddana dadkii goobta joogay oo dhammi waa ay arkayaan sida uu ninkaasi u aflagaadaynayay diinta Islaamka iyo hooyaday. Waxa ay noqotay arrintani mid u qaadan waa nagu riday. Runtii marnaba maan filayn in xildhibaankani sidaa u dhaqmayo. Xildhibaanku sida muuqaalka idiinka muuqata waxa uu iigu hanjabayaa in uu furaha igu dhufan doono. Aniga oo haya makarafoonka ayaan ku odhanayaa igu dhufo. Waxa ay igu noqotay arrin kedis ah. Maadaama aannaan hore waxba nooga dhaxayn”.
“Saaka waxaan guda galay in aan xildhibaankaasi dacwad ka gudbiyo. Ama xasaanad ha lahaado ama meeqaamka uu doono ha lahaadee waa loo siman yahay sharciga. Inkasta oo markii aan xeer Ilaalinta tagay ay wax iga qabyo noqdeen. Sharciga ayaan la tiigsanayaa. Maaha markii koowaad ee arrimahan oo kale dhacaan. Dadka sidaa ula dhaqamaya warbaahinta mar walba waa lala kulmaa. Cago juglayn iyo tacadiyadan inta wax lagugu dhufto haddana lagu sii daynayo. Waata mar walba innagu dhacaysa haddii aynu warbaahin nahay ee aynu iska dhaafayno ee aynaan waxba kasoo qaadayn. Dalku sharci buu leeyahay qofna kama wayna sharcigaasi. Waxa uu igu aflagaadeeyey ninkaasi waliba hooyaday oo dhimatay. Qof kastaaba waxa uu arkayaa waxa uu sameeyey. Waxa goob joog ahaa xildhibaan ka tirsan golaha wakiillada oo markhaati ahaa. Waxa uu af lagaadeynayay qoyska leh TV-ga. Maan garanayn anuu cadaawadda TVgan aan ka shaqeeyo (BULSHO) uu u hayay xildhibaankaasi.”. ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Cumar Shaabaash.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker