Turkiga iyo Sweden oo siyaabo kala duwan uga hadlay in Turkiga loo gacan geliyo 73 qof oo ku nool Sweden

Ra’iisulwasaaraha Sweden Magdalena Andersson ayaa Axadda maanta ah diiday in ay beeniso sheegashada Turkiga ee ah in ay Sweden ballan qaaday in ay masaafuriso shakhsiyaadka ay Ankara raadinayso in loosoo gacangeliyo. Inkastoo uu jiro walaac ay qabaan kurdiyiinta iyo Turkiga qaxootiga ah ee ku nool Sweden, Anderson ayaan ka jawaabin haddii ballan noocaasi ah loo sameeyay Ankara, si ay ugu oggolaato Sweden in ay ku biro isbahaysiga NATO.

“Waxa aan wasiir ahaa muddo 8 sana ah, waligeyna kama aanan hadlin waxyaabaha looga hadlo qolka wadaxaajoodka,” ayay tiri.

Heshiis ay Talaadadii Stockholm iyo Helsinki ku saxiixdeen shir madaxeedkii NATO ee ka dhacay magaalada Madrid ayay labada dal ee Waqooyiga Yurub ayaa aqbalay in ay si degdeg ah oo laga baaraandegay u baaraan codsiyada dad isu-celinta ee kaga imayana Turkey.

Ma jirto wax ballan ah oo si dhab ah loo sameeyay, iyadoo Finland iyo Sweden ay sheegeen in hannaanka dad isku celintu uu yahay mid ay ku shaqqa leeyihiin hey’adaha dowladda iyo maxkamadaha madaxa bannaan.

Laakin madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa Khamiistii ka sheegay gabagabadii shirka NATO in Sweden ay ballan qaaday in ay usoo gacan geliso 73 argagixiso ah sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna ku hanjabay in uu is hortaagi doono in ay Sweden NATO ka mid noqoto haddii aysan ballantaasi fulin.

Andersson oo suaalo dhowr mar arrintan laga weydiiyay ayaa ku celisay mowqifka Sweden, iyadoo sheegtay in ay sii wadi doonaan in ay xushmeeyaan sharciyada dalkeeda iyo kuwa caalamiga ah, islamarkaana aan muwaadin Swedish ah la dhiibi doonin, oo ay howshaasi u taallo maxkamadaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker