MADAXWEYNAHA JOOGAA INOOMA DOORI KARO MADAXWEYNAHA BADELAYA.

Sheekooyinka ka soo baxaya maamulka talada haya iyo dadka ka ag dhow ee odhanaya xisbiyadani dalka laguma aamini karo ee cid kale aynu soo saarno waxa aan u arkaa qalad iyo foolxumo aan qaban qaranka jamhuuriyada Somaliland iyo dadkiisa.
Dalka jamhuuriyada Somaliland waxa uu leeyahay dastuur iyo xeerar jideynaya wadada kursiga hogaaminta qaranka lagu tagayo ama ururo siyaasadeed ha noqoto ama axsaabta siyaasada ee maanta joogta ha ahaadeene.
Madaxweynaha joogaa xisbigiisa Kulmiye ayuu ku yeelan karaa talo iyo saameyn oo isagana hadii uu doonayo in uu ku qasbo dadka xisbigaasi doonistiisa waa afduub iyo wax ka baxsan waxii aynu u sameysanay axsaabta siyaasada qaranka jamhuuriyada Somaliland.
Markaa hadii la isla qaato in doorashada madaxweynaha 6aad ee jamhuuriyada Somaliland ay u dhacdo sadexdan dariiq ;
1- In doorashada madaxweynuhu soo horeyso oo ay sadexda xisbi qaran ee mudo xileedkoogu gabaabsiga yahay ay galaan.
2- in mar lawada qabto oo ay noqoto doorasho isku sidkan oo ururada siyaasada iyo axsaabtu inta ay tartamaan sadexda xisbina ka soo baxaan xisbigii ugu cod badanina madaxweynaha hello.
3- iyo in doorashada ururada siyaasada inta ay ka horeyso Nov ay sadexda xisbi ee soo baxaa madaxweynaha u tartamaan .
Sadexdaasiba waa la yeeli karaa waa in lagu heshiiyo uun , sadexdan qaab ba waxa ka soo baxaya cidii ay dadku doortaan oo waala tartamayaa , hadii tartanka la gacan togaaleeyona waxa ay noqon doontaa doorasho fashilantay waxaana ugu sugan madaxweynaha jooga foolxumo.
Hadii la dedaalo doorashooyinka waa la qaban karaa , waxuun baa muhiim ah in la hello heshiis siyaasadeed oo axsaabta siyaasada, ururada siyaasada ay saxeexaan si loo galo doorasho .
Intii ka baxsan arimahani ee ay ka mid tahay mudo kordhin , anigaa dooranaya cida ila tartamaysa ama umada u dooraya madaxweynaha i badelaya maaha wax sinaba loo aqbali karo cidwaliba oo ku fekeraysana waxa aanu leenahay waa qalad e ka daaya dalka hadimada.
Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker