MUUSE BIIXI YALAXOW

XASUUS QOR MAQAAL AAN QORAY BISHII JANUARY 2007 MARKAAS OO MUSE BIIXI UU MUCAARID AHAA OO UU HADALO DEELQAAFA KU YIDHI MADAXWEYNE DAAHIR RIYAALE KAHIN.

Muse Biixi Yalaxow: Adigaaba Lagu Gaadayaaye Waanad Garanayn.

Anigoon ku hawshoon hadlaka iyo ujeedada, waxaan haatan leeyahay Hebel Biixi-baa tahay

Waa yaab iyo yaabka yaabkii, Meesha uu Muse ka higleeyey. Ma Muse ayaa ka hadlaaya xasuuq sukeeye iyo Faqash oo cid kale ku eedaynaaya, taa jawaabteedu maxay tahay? Taa jawaabteedu waxay tahay “Adigaaba lagu gaadayaaye waanad garanayn”.

Waxaan filayaaa sababta ku kalifta Muse in uu ku talaxtago had iyo jeer hadalada dhiifta leh iyo Cunfiga ee qaaawan in ay tahay waxgaradka reer Somaliland oo aan ka jawaabin Gafkiisii hore ee ahaa “Anigoo wax dili kara duco qaadan maayo”.

Erayadaas oo Muse meel fagaare ah ka yidhi ayaa jawaabteedu ahayd “Horta yaa la dili jiray loo dig iyo dam leeyahay, daasad iyo tanaag madhan horta yaa ku didi jiray, damac iyo haway ba’e maxaa dad isku lumayaa”.

Muse Biixi ayaa marka uu meelaha fagaaraha ah ama Shaashada ah TV-yada ka hadlaayo ay bulsha-weynta Somaalidu xasuusataa Qabqablihii Muse Suudi Yalaxow, sababta oo ah khubarada siyaasiyiinta qiimaysa ayaa ku qiimeeyey aqoontiisa siyaasadeed in ay la heer tahay tii Muse Suudi Yalaxow.

Waxyaalaha ay u cuskadeen khubaradu qiimayntaas ayaa waxa ka mid ah qaabka ay labadaas Nin u hadlaan marka ay meel fagaare ah wax ka sheegayaan ama u waramayaan warbaahinta.

Dad fara badan oo ah waxgaradka reer Somaliland ayaa sifiican ula socda taariikhda modow ee uu Muse ku leeyahay Colaadihii sukeeye ee uu dalka ka riday, waana ninkii u danbeeyey ee hogaaminaayey ciidankii Burco ka dagaalamay. Gudoomiyenimada Muse Biixi ee Kulmiye ayaa ah mid magac u yaala, waana Awr Kiraale hore loogu guuray, iminkana la doonaayo in lagu sii guuro.

Dardaaran: Maalin maaha colaadeed oo muusanow kuma fiicna meeshan aad ka hadlayso, mana taqaanid siyaasad oo madasha waad ku asqawdee ee meel kale maad uga guuri, mise waad dhexmuquuri mawjadahaa hirdamaaya. Miskiin Yaa Muse……Ina-Yalaxow.

Osman Abdillahi Sool. Freelance Journalist,

Fuaad Sool • soolfuaad@yahoo.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker