Haweeneydii ugu horreysay ee madow ah oo loo dhaariyo Maxkamadda Sare ee Maraykanka

Kitangi Brown-Jackson ayaa loo dhaariyay inay noqdo garsoore ka tirsan maxkamadda sare ee Mareykanka Khamiista maanta ah, taasoo taariikhda ka dhigaysa haweenaydii ugu horreysay ee madow ah ee ka mid noqota hay’adaha garsoorka ee ugu sarreeya Mareykanka, iyada oo ku biirtay wakhti garsooreyaasha midigtu ay aqlabiyadda maxkamadda ku muquuniyaan xukunnada muhiimka ah.

Jackson, oo 51 jir ah, ayaa ku biirtay kooxda bidixda ah ee maxkamadda oo aqlbiyad ahaan leh 6-3. Dhaarinteeda ayaa imaaneysa iyada oo madaxweyne Joe Biden uu ku beddelay garsooraha hawlgabka ah ee Stephen Breyer, waxayna ka mid noqoshadeedu imaaneysaa lix maalmood kadib markii ay maxkamaddu laashay sharcigii Roe v. Wade ee dumarka Mareykanka u oggolaanayay ilmo iska soo rididdka.

Breyer, ayaa ahaa xubinta ugu da’da weyn maxkamadda, waana 83 jir, wuxuuna si rasmi ah uga fariistay shaqada Khamiista maanta ah.

“Si qalbi buuxa ah, waxaan ku aqbalay mas’uuliyadda adag ee ah taageeridda iyo difaaca dastuurka Mareykanka iyo ku dhaqanka caddaaladda iyadoon cabsi iyo eex lahayn,” ayay hadal ay soo saartay ku tiri Jackson.

Ra’yi ururin ay samaysay Reuters/Ipsos toddobaadkan ayaa lagu ogaaday in inta badan dadka Maraykanka ah – 57% – aysayn ku kalsooneyn maxkamadda kadib go’aankii ilmo iska soo rididka.

Jackson waa garsoorihii 116-aad, haweeney lixaad iyo qofkii saddexaad oo Madow ah oo ka shaqeeya Maxkamadda Sare tan iyo markii la aasaasay 1789.

“Ketanji waxay u fasiri doonaa sharciga si xikmad iyo caddaalad ah” ayuu yiri Stephen Breyer.

 

Reuters.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker