Gabadh Abaalmarinta Ku Heshay Buuga Ay Ka Qortay Soomaaligii Xaq Darrada Loo Dal-dalay

Magaalada London, ayaa todobaadkan abaalmarin xagga qoraalka ah lagu guddoonsiiyay Nadiifo Maxamed oo ah gabadh Soomaali ah oo haysatana dhalashada Ingiriiska, oo wax ka qorta arrimaha dhaqanka Soomaalida.

Nadiifo, ayaa dhawaan qortay buug ay ugu magac dartay Fortune Men kaasoo ah kan abaalmarinta ay ku siisay hay’ad la yidhaahdo Muslim News ee fadhigeedu yahay UK, iyadoo hore ay abaalmarinno ugu guulaysatay Nadiifo.

Nadiifo, ayaa haatan la siiyay abaal marinta loo yaqaano Alhambra Award For Excellence oo ay bixiyaan ururka saxaafadda Muslimiinta ee UK.

Buugeeda, ayaa si weyn looga soo dhaweeyay meelo badan oo caalamka ah, dhawaan Nadiifo buuggan waxay ku faafisay dalal ay kamid yihiin Norway iyo Mareykanka.

Buuggan ay gabadhan abaalmarinta ku muteysatay, ayaa ka hadlaya Maxamuud Xuseen Mataan oo ahaa ninkii ugu dambeeyay ee lagu dal dalo gobolka Wales ee UK.

Nadiifo, ayaa hadda ka hor qortay buugaag dhowr ah oo ay kamid yihiin, The Black Mamba Boy, The Orchard of Lost Souls iyo buuggan ugu dambeeyay.

Buugaagteedu ayay Nadiifo diiradda ku saartaa muhaajirintii gaadhay UK ee ka yimid Cadan iyo Somaliland iyo daruufihii ay dadkaas la kulmeen maadama ay dal kale tageen.

Mid kamid ah buugaagteeda, ayaa ka hadlaya dhibaatadii uu aabaheed la kulmay markii uu u haajiray UK, waxay u muuqataa in buuggagtaas ay xiiso gaar ah ku yeesheen dadka wax akhrista maadama ay ka hadlayaan nolosha dadka muhaajiriinta ah.

Nadiifo Maxamed, ayaa ka qalin jebisay jaamacadda Oxford ee Ingiriiska isla markaana mar hore loo caleemo saaray inay tahay ‘qoraaga dhalinyarada ah ee ugu wanaagsan’ dalka Ingiriiska.

Nadifo Maxamed oo buug ka qortay sheekada Maxamuud Mataan waxay hadda ka hor sheegtay in arrinta ay ku dhalisay ka dib markii qeyb ka mid ah buuggeeda mala-awaalka ah ee The Fortune Men, ay kaga hadashay sheekada Maxamuud Mataan.

Balse, Nadiifo Maxamed, ayaa la yaabtay markii ay ogaatay in qofkii ugu danbeeyay ee lagu daldalo gobolka Wales, ee dalka Britain, uu ahaa Soomaali.

Inta badan Soomaalida Britain u safartay waxay halkaas gaadheen wixii ka dambeeyay 1990-kii, Nadiifo-na ma ayna qiyaasi karin in Soomaalida ay halkaasi ku sugnayeen muddo ka badan boqol sano.

“Hore way u jireen sheekooyiin la xidhiidhay dhibbaneyaal ay booliska ku xadgudbeen, balse sheekadiisa way ka sii fogeyd arrimahaas,” ayay tidhi.

“Dadka yaqaanna waxay sheegaan in uu ahaa qof adag oo dhiiran, kuna faraxsanaa in uu difaaco xuquuqdiisa iyo xaqa dadka ku hareereysan”, ayay tidhi Nadiifo.

“Waxaan aaminsanahay in taas ay qeyb ka ahayd sababta booliska ay isaga u bartilmaameedsadeen in ay ahayd in dusha loo saaro dembiga ugu dambeeya ee ugu wayn ee halkaas ka dhaca.”

Labadaba, Nadiifo aabeheed, Maxamed iyo Maxamuud waxay ku dhasheen Somaliland, waxayna isla kulmeen markii ay u safrayeen Hull oo UK ah.

“Waxay la socdeen Ciidanka Badda, balse nolol ahaan waxay kala qaadeen laba dhabbo. Aabahey wuxuu ii sheegay in Maxamuud uu ahaa qof iska caadi ah oo keli-ahaanshaha jecel,” ayay tidhi.

Qoyskii Maxamuud Mataan, ayaa waxaa loo xukumay magdhaw gaadhaysa 1.4 million oo giniga Ingriiska ah, Waa markii ugu horeysay oo ay wasaaradda arrimaha gudaha Ingiriiska magdhaw siiso qoyska qof si khalad ah loo daldalay.

Xaaskii Mataan, ee Laura, waxay dhimatay 10 sano kaddib xukunkaasi. dhammaan carruurtiina waxay wada dhinteen balse waxaa weli Cardiff ku nool carruurtii ay sii dhaleen.

Sanadkii 1996-dii, labo sano ka hor intaan Mataan la bari yeelin, ayaa meydkiisa laga soo bixiyey qabuuro khaas ah oo ku yaalla xabsiga, waxaa lagu aasay qabuuraha Cardiff.

Waxaa qabrigiisa lagu dhejiyay dhegax lagu qoray “caddaalad darro ayaa lagu dilay”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker