Ceeb Ka Weyn Majirto in Xujeydii Somaliland oo Ka Dhoofay Magaalooyinka Jigjiga iyo Garoowe

Xujeydii u dhashay Somaliland, ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay   ka dhoofeen garoomada diyaaradaha ee magaalooyinka Jigjiga iyo Garoowe, kadib markii ay xukuumadda  Somaliland ku dhawaaqday inay gebi ahaanba joojisay xujaydii reer Somaliland ee sannadkan gudan lahaa waajibaadka xajka.

Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay go’aankeeda ku sabaybaysay kadib qorshe ay maleegtay Soomaaliya oo ay ku dhintay tiradii ay reer Somaliland ku lahaayeen saamiga xujayda.

Somaliland waxay sheegtay in gebi ahaanba joojinayso xujaydii reer Somaliland ee sannadkan gudan lahaa waajibaadka xajka, haddii aan wax laga badalin arrintan.

Xujeydan  ka dhoofay magaalooyinka Jigjiga iyo Garoowe, ayaa ka safray magaalooyinka Somaliland maadama ay dowladda Somaliland ka biyo diiday tiradii loo qoondeeyay ee xajka sanadkan.

Xukuumadda Somaliland, ayaa ku eedaysay Soomaaliya in ay is hortaagtay in dadka reer Somaliland helaan saamigii ay xaqa u lahaayeen, waxaana ay sheegtay in saamigii ay Somaliland ku lahayd xajka, la siiyay dadka reer Muqdisho, oo suuqa Bakaaraha lagu iibinayo, wuxuuna dowlada Sacuudiga ugu baqay in ay soo farageliso.

Iyada oo sidoo kale sheegtay in talaabada Soomaaliya ay kaliftay in shacabka Somaliland ay xajka ka baaqdaan, tirada la siiyay oo aan u cuntamin awgeed, iyadoona Soomaaliya ku eedeeysay in ay mudoba u xusul duubaysay sidii ay u dhimi lahayd tirada xujayda ee reer Somaliland.

Geesta kale, dowladda Soomaaliya, ayaa iska fogeysay eedaymahaasi ay dowladda Somaliland u jeedisay, taas oo oo la xidhiidha in Soomaaliya ay isku darsatay tiradii xujayda Somaliland ay xaqa u lahayd iyo toodiiba.

Soomaaliya oo eedayntaasi ka jawaabaysay, ayaa sheegtay in arrinta Xajka aan la siyaasadayn isla markaana aan lagu qaybsan hab ku saabsan qabiil iyo mamaul goballeed toona.

Sikastaba, arrintan isqab-qabsigan siyaasadeed ee Somaliland iyo Soomaaliya awgeed, ayaa waxaa jira dad xajka niyaystay oo uga baaqday sanadkan xiisadan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker