Miisaanka Maamulxumada Badhisaabka Gobolka Daadmadheedh

 

Aniga oo ah mid ka mid dhalliinyarada Gobolka Daadmadheedh ee ku nool Oodweyne, isla markaasna ah dadka tirada yar ee ka war haya  isla markaasna darsa xaallada guud ee Somaliland gaar ahaantiina Gobolka Daadmadheedh, waxa aan caawa jeclaystay in aan wax ka idhaa arrin beryahanba igu mudnayd, taas oo ah Aqoon la’aanta Badhisaabka Gobolka Daadmadheedh mudane Axmed Diiriye cabdilaahi iyo arrimaha ku gadaaman.

 

Bal haddaba aan idiin qodobeeyo sida ay wax u jiraan.

 

  1. Sida aynu ognahay Gobolku sidiisa ba waxa uu ku socdaa wada shaqaynta maamulka Gobolka iyo degmada. Balse badhisaabku arrintaas waa uu ku fashilmay, waxaana uu gooyay xidhiidhkii ka dhaxeeyay gobolka iyo degmada.

 

  1. Badhisaabku waxa uu kala geeyay bulshadii midka ahayd, waxaana uu ka dhigay laba kooxood oo weerar iyo weerar celin ah

 

  1. Badhisaabku waxa uu xidhiidhkii u jaray cuqaashii, madaxdhaqameed iyo aqoon yahankii ay dadku ka dhambiil qaadan jireen

 

  1. Waxa sida oo kale uu badhisaabku weerar ku qaaday qaar ka mid ah haayadaha gobolka ka shaqeeya sida haayadda kali ah ee gobolka Deggan ee World vision, taas oo uu ku amray in ay ka baxdo guriga ay ka deggan tahay Oodweyne si uu isagu u dego. Sida oo kalena shaqo ka joojiyay Haayada Care oo degmada ka bixinaysay mucaawimo ay dadka barakacayaasha, iyada oo uu maayarku u qoray, balse markii ay hawshii ay bilowday uu badhisaabku shaqadii ka joojiyay isaga oo leh sidee ayaad maayarka gacansaar u la yeelateen. Taasina waxa ay ina tusaysa halka ay Gobolka iyo degmadu kala taagan yihiin.

 

  1. Badhisaabka Gobolka Daadmadheedh waxa uu meel kaga dhacay xuriyaddii hadalka ama ra’yigii bulshada, isaga oo xadhig iyo cabudhin u geystay qaar ka mid ah aqoonyahankii Gobolka, sida Aqoonyahan Cartan Maxamed jaamac oo beryahan ba uu xadhig kula kacayay. Sida maalintii uu yimi madaxweynuhu ku xigeenku Oodweyne ee uu xidhay aqoonyahan Cartan, taas oo sababi karaysay rabshado saameeya wafdiga meesha marayay balse uu Maayarku arrintaa dajiyay kana hortagay rabshadihii la damacsanaa.

 

Haddaba badhisaabku waxaas oo dhan waxa sabab u ah cidda uu ra’iyiga iyo talada la wadaago oo ah dad maangaab ah, isla markasna ah dad isku sheegay cuqaal oo koofiyad bacle ah. Dadkaasi ma aha dad wacan oo dadka mideeya balse waa dad bulshada kala geeya, waana dad ka xun midowga, iskucafinta, iyo horumarka gobolka. Waa dad buka, oo raba dibudhac bulsho iyo beled. Waana dad cuqdadi ay ka buuxdo oo dagaal kula jira dad kooban balse saameeya bulsho dhan.

 

Haddaba dadka noocas ah ayuu badhisaabku ka talo qaataa. Taasina waa halka ay u dhimatay ee uu gobolku ka dhaqaaqi la’ yahay. Isla markaasna waa halka uu ku burburay barnàamij siyaasadeedkii madaxweyne Muuse Biixi uu waddanka ugu talo galay ee ahaa midaynta iyo ururinta bulshada.

 

Ugu danbayn arrimahani waxa ay si cad inoo tusayaan aqoon la’aanta baahsan ee haysata badhisaabka Gobolka Daadmadheedh. Waxaanan xukuumadda ka codsanayaa in ay arrintan wax ka qabato gaar ahaan Madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha gudaha ee JSL.

 

 

Guddoomiyaha Garabka dhaliinyarada ee xisbiga Kulmiye ee Gobolka Daai dmadheedh

Siyaasi Maxamed  Ismaaciil Cawil

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker