Dawladda Turkiga Oo Ogolaatay inay Sweden iyo Finland ka mid noqon karaan NATO

Dawladda Turkiga ayaa ogolaatay in ay dalalka Sweden iyo Finland ka mid noqon karaan gaashaan buurta NATO ka dib markii labada dal ay fuliyeen dalabkii Ankara ee ahaa in aanay dib u taageerin kooxaha argagaxisa Turkiga ka qoran sida PKK.
Shir saddex geesood ah oo ka dhacay magaalada Madrid ee caasimadda dalka Spain ayaa lagu kala saxeexday heshiiskan.
Waxaana goob joog ka ahaa madaxweynaha Turkiga, dhiggiisa Finland iyo Ra’iisul Wasaaraha Sweden. Labadan dal oo jaar la ah Ruushka ayaa cabsi awgeed ugu soo biiraya NATO, balse in muddo ah waxa u diidanaa Turkiga oo ah dalka labaad ee ciidanka ugu badan ku leh gaashaan buurta NATO.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker