Xiisad mar kale ka soo cusboonatay xadka Suudan iyo Itoobiya

Milatariga Sudan ayaa wacad ku maray in ay tallaabo ku haboon kaga falcelin doonaan dilka ay sheegeen in Itoobiya ku khaarajisay todoba qof oo iskugu jiray rayid iyo askar ay qabteen ciidamada Itoobiya.

Xukuumadda Sudan ayaa iyaduna u yeedhatay safiirkeedii u fadhiyey Addis Ababa, hase yeeshee warsaxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arimaha dibada Itoobiya ayaa lagu beeniyey sheegashada milatariga Sudan waxaanay wasaaraddu sheegtay in ay askartaasi ku dhinteen shaqaaqo dhex martay askar Sudan ah iyo maleeshiyaad Itoobiyaan ah.

Waxaanay warbixintu intaa ku dartay in ay dawaladda Itoobiy ka xuntahay dhacdadaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker