Maxkamada Gobolka Gabiley oo Dambi kuweeyday Muwaadin Reer Jabuutiya oo halkaa ku xidhnaa

Maxkamadda Gabilay ayaa maanta wax dembiya ku wayday Aarre Sulaymaan Cawleed, oo lagu eedeeyay in uu aflagaadeeyay madaxweynaha Jabbuuti Ismaaciil cumar Geelle.

Xeer Ilaalinta Gabilay ayaa racfaan ka qaatay go’aanka Maxkamadda, lamana sii dayn Aarre Sulaymaan.

Aarre Cawleed, ayaa ah mu’waadin reer Jabbuuti ah balse sannadii la soo dhaafay ku noolaa Somaliland. waxana uu inta badan dhaliilaa hannaanka uu Jabbuuti u maamulo madaxweyne Geelle.

Waxyaabaha lagu eedeeyay Aarre, waxa ka mid ah in uu “ Dilaa” ku tilmaamay madaxweyne Geelle iyo in uu qoyskiisa aflagaadeeyay balse dhammaan eedahaasi Maxkamaddu way ku wayday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker