Madaxweyne Trump Oo Cambaarayn Kala Kulmay Cunsuriyaynta Somalida MINNEAPOLIS

Xisbiga Dimoqraadiga ee Minnesota, muslimiinta iyo ururo kale ayaa dhaleeceeyay madaxweyne Donald Trump, oo kahor yimid soo dhoweynta qaxooti badan oo Soomaali ah, waxayna ugu yeedheen madaxda Jamhuuriga inay ku guuldaraysteen inay dhaleeceeyaan hadalada Trump ee gefka ah.

Nihad Awad, oo ah madaxa fulinta ee Golaha Xidhiidhka Mareykanka iyo Islaamka, ayaa sheegay midabtakoorka Trump in uu yahay tusaalayaashii ugu dambeeyay ee dadaalkiisa ah in ummadda loogu qeybiyo faa iidadiisa siyaasadeed.

 

Magaalada Minneapolis, oo ay ku noolyihiin Soomaalida ugu badan ee dalka Maraykanka ayuu madaxweyne Trump su’aal galiyay saameynta ay ku yeelan doonaan iskuulada, bulshada iyo canshuur bixiyeyaasha.

 

“Waxaas oo dhan waxa ka sii murugsan in dhagaystayaasha cadaanka ahi ay soo dhoweeyeen cunsuriyadda iyo in hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Jamhuuriga ay aamusaan ama xitaa ay taageeraan fowdada noocaas ah,” ayuu yidhi Cawad.

Duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey, ayaa Trump ugu yeeray “nin xumaaday wuxuuna bartiisa twitterka kusoo qoray in ogolaansho la siiyay soogalootiga laguna soo dhoweynayo Minneapolis.

 

“Soogalootiga iyo qaxootiga waxay gacan ka gaysteen in gobolkeenu ka dhigaan meel cajiib ah oo lagu noolaado laguna shaqeeyo,” ayuu ku soo qoray boggaga Demuqraadiga, Sen. Amy Klobuchar, oo u tartamaya xilka madaxweynaha.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker