“Qofka Codbixiyaha Ah Vs Qofka La Doortaha Ah” Xildhibaan Axmed-Khaliif Jaamac Saalax.

Qofka Codbixiyaha ahi Hal Mar iyo Hal Maalin buu Imtixaaman yahay, Waana Maalinta Doorashada ee uu Codkiisa Bixinayo ee uu Qof Musharax Ah siinayo Codkiisa .
Waxuuna Ku Imtixaaman yahay Inuu Masuuliyad iska Saaro Cida uu Codkiisa Siinayo oo ah Musharax Madaxwayne ama Musharax Xildhibaan oo tartamaya, Markaas waa Hal Maalin oo Imtixaan ah.
Laakin qofka Ladoortay ee Madaxwaynenimo loo Doortay ama Xildhibaanimo loo doortay Waxuu imtixaaman yahay (1,825 kun sided boqol iyo shan iyo labaatan maalmood ) oo udhuginta Mudo shan sano ah oo Mudo Xileedkiisa ah ama inta uu xilka haynayo ee uu dastuurku siiyay .
Hadaba Muwaadin Masuul Kasta oo aad doorateen waxuu imtixaaman yahay mudada intaas laeg, sidaas awgeed intee in laeg buu khalad iyo xumaan iska ilaalin karaaa ?
1,825 Maalmood oo uu imtixaaman yahay imisa ayuu dhici karaa maalmood ileen wuu imtixaaman yahay oo Masuuliyada aad saarateen buu ku imtixaaman yahaye?
1,825 maalmood oo uu imtixaaman yahayna imisa Maalmood ayuu baasi karaa ileen wuu imtixaaman yahaye Oo Masuuliyada aad saarteen Buu ku imtixaaman yahaye ?
Ugu dambeyn Haddii aad Qoraalkan Sifiican udhuuxdo Labada Imtixaan ee Codbixiyaha iyo Ladoortaha ku imtixaaman yihiin Jawaabtiisa Waxaad kadhex heli kartaa Qoraalkan laftigiisa.
Jimce wanagsan dhamaan Shacabka Somaliland meel kasta oo aad dunida kajoogtaa
Wabilaahi Tawfiiq
BY MP Ahmedkhaliif Jama Salah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker