Muran ka Dhashay Maalinka Laga Ciidayo Dalka Kenya

Muran iyo dood ku saabsan maalinka ciidda ayaa ka dhashay Kenya kaddib markii Qaaddiga guud ee dalkaasi uu ka hor yimid in la ciido maalinka Talaadada.

 

Sheikh Axmed Muxaadir oo ah Qaaddiga guud ee Kenya ayaa dhaleeceeyay in Talaadada ay tahay maalin fasax qaran ah oo loo dabaaldegaya ciidduul Adxa kaddib markii dowladda Kenya ay u dhawaaqday arrintaasi.

 

Hadalka Qaaddiga waxaa si wayn uga soo horjeestay mas’uuliyiin uu kamid yahay, hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale oo BBC-da la hadlayay ayaa sheegay inay nasiib darro tahay in qaaddiga waddanka uu khilaafo musliimiinta islamarkaasna berito ay tahay maalin ciid ah guud ahaan dunida.

 

Ducaale wuxuu yiri ” Nasiib darro ayay noqotay in qaaddiga waddanka Kenya uu khilaafo madaxda muslimiinta, uuna ka horyimaado cidda beri,oo uu yiraahdo maalinta Ciidda waxaa weeye Arbacada, oo uu yiraahdo maalinta la soomayana ay tahay Talaadada marka waxaan u araknaa in arrintaasi, arrin khalad ah, xagga diinta, khalad ah xagga waddanka oo madaxda muslimiinta uu ka hor imaadsan yahay, madaxweynahana waan u sheegnay inuu khalddan yahay ”

 

Dhanka kale, madaxa aqlabiyadda baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in dacwad ay kaga soo horjeedaan Qaaddiga guud ee Kenya ay u gudbin doonaan guddiga shaqaalaynta garsooyaraasha Kenya si ay tallaabo uga qaadaan Sheikh Axmed Muxaadir oo ka hor yimid maalinka ay ku beegantahay ciidda.

Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya ayaa sidoo kale sheegay in marar badan uu Qaaddiga ka hor yimid maalmaha la ciidaya.

 

Wuxuu yiri ” markii ugu horreysay ma ahaan inuu ka hor yimaado, muslimiinta waddankan go’aankiisa way ka hor imaadsan yihiin, waxayna u arkaan nin rabo inuu muslimiinta kala qaybiyo…..Annaga haddii aanu nahay madaxda muslimiinta waddankan,dowladana aan ku jirno , ma ogolanaayno in laga la qaybiyo muslimiinta waddankan, waxaan rabnaa muslimiinta dalkan inay midoobaan ”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker