UK oo Sheegtai in Kala badh kooxaha gooni u goosadka ee uu taageero Ruushku Awoododii ay dhaawacantay

Kooxaha Ruushka iyo kuwa gooni u goosadka ee taageerada ka hela Ruushka ee ka howlgala gobolka Donestk ee Ukraine ayaa waxay la kulmeen khasaare xooggan, sida laga soo xigtay sirdoonka UK.

Waxay ku qiyaaseen in maleeshiyaadka ka howlgala Donestk ay boqolkiiba 55 ay dagaalka ku waayeen ciidamadooda.

Ciidamada Ruushka waxaa ka go’an inay la wareegaan dhammaan gobolka Luhanska iyagoo doonaya inay isku hareereeyaan magaalada Lysychansk, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Ukraine.

Guddoomiyaha gobolka Serhiy Haidai ayaa sheegay in “burbur weyn” uu soo gaaray magaalada.Waxa uu sheegay in xaalad adag ay halkaa ka jirto, wuxuuna ka soo xigtay duqa magaalada isagoo sheegay in ilaa 7,000-8,000 oo rayid ah ay ku hareen halkaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker