Wargeyska The Telegraph Oo Qoray Dowladda Ingiriiska Oo Maraykanka Ka Dalbatay Inaanu Dhimin Ciidamadiisa Soomaaliya Jooga

Muqdisho (OWN) – Dowladda Ingiriiska ayaa ka hadashay go’aan dowladda Mareykanku ay ka qaadatay Soomaaliya kaasi oo la xidhiidha inay dhimeyso ciidamada ka jooga Soomaaliya.

Wargeyska The Telegraph oo kasoo baxa magaalada London ayaa baahiyay in saraakiil u dhalatay Ingiriiska ay kala hadleen Mareykanka ka laabashada qorshaha uu ku dhimayo ciidamada ka joogo Soomaaliya.

Waaxda Difaaca Maraykanka ee The Pentagon waxay bishii June ee sanadkii hore sheegeen inay kala-badh  dhimi doonto tirada Ciiddanka Khaaska ee Maraykanka ee Hawlgalladda  ka wada qaaradda Afrika seddexda sanno ee soo socta.

Ku dhawaad 500 oo askari ayaa Mareykanka ka jooga dalka Soomaaliya, kuwaasi oo tababara ciidamada dowladda, waxaana saldhig weyn ay ku leeyihiin deegaanka Bali Doogle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhinaca kale, Afhayeenka Wasaaradda Difaaca ee dalka Britain waxa uu ka gaabsaday haddii ay Codsi rasmi ah u direen Maraykanka, ama ay kala hadleen arin la xiriirta Hawlgalaldda Ciiddanka Gaarka ee Maraykanka ka fuliyaan Somalia.

Wargeyska The Telegraph waxaa kale oo uu qoray inay Dowladda Britain marmarka qaarkooda qaadaan inay hoggaamiyaan sidii looga hortegi lahaa khatarta ka jirta Somalia.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker