Guddida Heer Qaran Ee Suuqa Waaheen Oo Soo Bandhigay Nashqada Cusub Ee Suuqa Waaheen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa galabta warbiximo ka dhegeystay guddida heer qaran ee suuqa waaheen oo ay wehelinayaan Farsamayaqaanada dhismaha suuqa waaheen iyo shirkada ku guulaysatay dhismaha suuqaasi.
Waxaana ugu horayn halkaasi ka hadlay guddoomiyaha guddida heer qaran ee suuqa waaheen, ahna wasiirka diinta iyo aw-qaafta, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani), guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, Jamaal Caydiid Ibraahim, Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan, gudoomiyaha guddi hoosaadka Ganacsatada, Dr. Farxaan Liiban, Guddoomiyaha guddida Farsamada dhismaha suuqa waaheen, Arch. Maxamud Cabdi Cilmi (Geedi) iyo laba farsamo-yaqaan oo ku hadlayey afka shirkada ku guulaysatay oo la yidhaahdo MURTADA MAAZ/SEMA COMPANY lagana leeyahay dalka Suudaan, Eng. Maxamud Maxamed Cismaan iyo Eng. Mohamed Hassan Khalifa oo iyagu si gaara u xusay masuuliyadda culus ee fuushay iyo waxa laga rabo inay siday tahay uga soo baxaan, halka masuuliyiinta kale ay iyaguna iska daba mareen muhiimada dib u dhiska suuqa waaheen u leeyahay dalka iyo dadka loona heli lahaa shirkad caalamiya oo ka soo bixi karta dhismahaasi, halkaasina ay ku soo bandhigeen nashqada cusub ee uu yeelan doono suuqaasi.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker