Xalka ugu dhaw uguna Fudud ee lagu Wada Qanci karo

Waxa dalka Somaliland ka taagan khilaaf xooggan oo u dhexeeya Xukuumadda KULMIYE iyo xisbiyada Mucaaridka ah, waana khilaaf salka ku haya qabsoomida doorashooyinka kala duwan ee dalka ku soo fool leh iyo sida doorashooyinka loo soo kala horaysiin karo.

Xukuumadda KULMIYE oo uu hormuud u yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa ku doodaya in doorashada tooska ah ee xisbiyada iyo Ururada siyaasaddu ay ka soo horaynayso doorashada Madaxtooyada, iyadoo Xukuumaddu sheegtay in saddexda xisbi qaran ee ka soo dhex baxa doorashadaasi ay ka qaybgeli doonaan doorashada Madaxtooyada ee u mudaysan 13 November 2022-ka.
Xisbiyada Mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID oo ay hormuud u yihiin hoggaanka sare ee labada xisbi mucaarid ayaa iyaguna aamisan in doorashada Madaxtooyada ee dastuuriga ahi ay tahay tan ugu soo horaynaysa ee ay waajibka tahay in waqtigeeda lagu qabto, waxayna mucaaridku ku doodayaan in aanay jirin doorasho Ururro oo ka soo horayn karta doorashada Madaxtooyada ee u astaysan inay qabsoonto badhtaha bisha November ee sannadkan.
Haddaba, si khilaafkan looga baxo waxa loo baahan yahay xal meel dhexe la isugu yimaado oo ah in mar qudha la wada qabto labada doorasho, iyadoo laga faa’iidaysanayo khibraddii laga helay labadii doorasho ee Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Degaannada ee la qabtay 31 May 2021, sidaas la mid ah ayaa la samayn karaa in doorashada Madaxtooyada iyo Ururrada Siyaasadda mar la wada qabto, waxaanna la samayn karaa in la helo laba waraaqood oo kuwa codbixinta ah kala ah;
1. Waraaqda codbixinta Madaxtooyada oo ay ku tartamayaan saddexda xisbi ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID.
2. Waraaqda codbixinta doorashada tooska ah ee xisbiyada iyo Ururrada siyaasada ee la siiyo shahaadada Ku-meel-gaadhka ah. Qaabka labadan doorasho loo wada qaban karo in xeerkoodana waxa diyaarin doona Baarlamanka (Guurtida iyo Wakiillada).

Maxamed Cirro

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker